berberatoday.com
Dhiigga Ku Furma Maskaxda Oo La Sheegay In Sigaar cabbistu Ay kaalin Laxaad Leh Ka Qaadato
August 20, 2016 - Written by Berbera Today

Helsinki(Berberatoday.com)-Daraasad cusub oo lagu sameeyay dalka Filand, ayaa lagu sheegay in tirada dadka u geeriyooda dhiigga ku furma maskaxda ay hoos u dhacday kadib markii tirada dadka sigaarka cabbaa ay hoos u dhacday.

Daraasaddan ayaa dhiiri-gelin  u noqotay dad badan oo sigaarka aad u cabba, waxa aanay aad u caawisay  dawaladda dalkaasi filand oo  muddooyinkan danbe dedaal ugu jirtay sidii ay dadkeedu iskaga dayn lahaayeen cabbista Sigaarka.

Waxa aanay caddaysay daraasaddani in uu hoos u dhac balaadhan ku yimid dadkii cabbi jiray sigaarka, gaar ahaan inta u dhexaysa da’da 15ilaa 64 jir waxaana  lagu qiyaasy hoos u dhaca yimid 30% halka tirada dadka u wax yeelayn jiray dhiigga ku furma maskaxda ay hoos u dhacday 40%.

Waxa aanay  sheegeen dhakhaatiirta samaysay cilmi baadhistan in dadaalka lagu jiro sidii loo yarayn lahaa cabitaanka sigaarka ay faa’iido badan u leedahay dadka ku nool finland iyo Adduunka oo dhanba.

Hadaba dhibtaada ay leedahay dhiigga maskaxda ku furma oo uu ka hadlay prof Jako Kabriyo ayaa waxa uu sheegay inay sababto in qofku awood u yeelan waayo inuu la xidhiidho dadka isla -markaana aanu wax dhaqaaqa awood u lahayn inta badana ay sababto inuu qofku u geeriyoodo.

Haash

Ugu danabyntiina waxa ay dadka sigaarka cabba kula  taliyeen dhakhaatiirtaasi in ay iska yareeyaan cabbista sigaarka si ay mustaqbalka dhaw  awood ugu helaan joojintiisa waxa aanay sheegeen in saamaynta caafimaad uu leeyahay sigaarku aanay cidna ka qarsoonayn balse la qabsi awgii ay dadka qaarkood u caadaystaan is aaminsiiyeena in aanay dayn Karin, laakiin waxa ay sheegaan dhakhaatiirtaasi in oo qofku awoodo inuu iska daayo cabbista sigaaarka isla-markaana uu ka dareemi karo jidhkiisa is beddelka caafimaad.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews