berberatoday.com
Maamul-goboleedka Puntland Oo Ku hawlan Durbaanno Collaadeed Oo Ka Dhan ah Diiwaangelinta Gobollada Bariga Ka Bilaabay Iyo Hadallo Dhiillo Xambaarsan Oo Ay Warbaahinta Soo Mariyeen “
August 20, 2016 - Written by Berbera Today

 

“Puntland u dulqaadan mayso in Maamulka Somaliland uu ka sameeyo tiro koobyo goobo ka mid ah deeganada gobollada Sool iyo Cayn, waxaan u sheegnay Dawladda Federaalka Soomaaliya,…..”

 War-murtiyeed Kasoo Baxay Golaha Wasiirrada Puntland

camey madaxweyne xigeenka puntland

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ku hawllan abuurista jawi colaadeed oo uu ku hagar daamaynayo horumarka iyo geeddi-socodka ammaanka ka hana qaaday Somaliland, waxana ay soo saareen baaq ka dhan diiwaangeliinta maalmaha foodda inagu soo hay aka bilaabmi doonta guud ahaanba gobolka Sool iyo deegaanada ku xeeran.

Kulan la doonayey in lagu carqaladeeyo arrinta diiwaangelinta oo ay yeesheen xubnaha wasiirrada ka ah maamulka Puntland, isla-markaana uu hoggaaminayey madaxweyne-ku-xigeenka maamulkaas Md Cabdikariin Cumar Camey, ayaa lagu lafo guray sidii diiwaangelinta looga hortegi lahaa, iyadoo halkaasna laga soo saaray qoraal dheer oo lagaga digayo diiwaangelinta iyo ammaanka halkaas ka hano qaaday.

Qoraal la sheegay in beesha caalamka, Dawladda Federal-ka Somaliya iyo weliba dawlaha deriska lagu socodsiinayo  oo kulankaas laga soo saaray, ayaa lagaga digay in diiwaangelin la sameeyo, xilli ay bulshada gobollada bariga ku dhaqan si hufan ugu qancayaan inay wax la qaybsadaan jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraalka laga soo saaray fadhiga ay wasiirrada maamulka Puntland yeesheen oo lahjad aad u adag oo colaad xambaarsan ku qornaa, ayaa waxa uu u dhignaa sidatan.

“Goluhu waxa uu uga digeyaa Somaliland, daandaansiga ay ka waddo gobollada Sool iyo Cayn, isla markaana goluhu wuxuu caddeeyey in aanay Puntland u dulqaadan doonin in Maamulka Somaliland uu ka sameeyo tiro koobyo goobo kamidah deeganadaas, wuxuuna goluhu u sheegay Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha deriska ah iyo Beesha Caalamka in cawaacib xumada ka dhalata aagagaas uu mas’uuliyadeeda qaadayo Maamulka Hargeysa.”

Wararka kasoo baxaya isla magaalada Garowe, ayaa sheegaya inuumamulkaasi ku hawllan yahay dhaqdhaqaajinta cutubo kamid ah ciidamadiisa oo ku sugan xuduudda ay la leeyihiiin Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo la doonayo in diiwaangelinta lagu carqadeeyo inkastoo ay goobo aan sidaas uga fogay ku sugan yihiin cutubo tiro badan oo sooma-jeestayaasha ciidanka Somaliland kamid ahi, kuwaas oo diyaar u ah inay dhirbaaxo ku dhuftaan cidkastoo dalkooda kusoo xad-gudubta.

Daan-daansiga iyo dhiillada uu maamulka Garowe wado, ayaa kusoo beegmaya xilli tiradii ugu badnayd ee madaxda qaranka Somaliland ah oo uu madaxweyne Siilaanyo iyo hoggaanka axsaabtuba kamid yihiin ku sugan yihiin gobolka Sool.

Maalinta berri ah, ayaa lagu wadaa in si rasmi ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool loogu daahguro diiwaangta gobolkaas, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey halkaas laga waday wacyigelin ballaadhan, waxana soo baxaya astaamo muujinaya inay shacabku si mug leh ugu heellan yihiin ka qayb qaadashada diiwaangelintaas qaranku soo waday.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews