berberatoday.com
Prof. Gees Oo Dhaliilay Habacsanaanta Axsaabta Mucaaridka Ah, Soona Dhaweeyey Wada-Hadalka Kooxda Khaatumo “
August 20, 2016 - Written by Berbera Today

“Qolada Haatan Mucaaridka Ahi Meel Ay Doorasho Ku Doonayaanba Maan Arag, Markaa Axsaabta Waa Inay Isbedeshaa Oo Waddanka Wax Usoo Kordhisaa Inay Iska Aamusnaato Lama Rabo’e.”

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ee xukuumaddii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Prof. Maxamed Siciid Gees, ayaa si hufan uga hadlay xaaladda guud ee dalka, waxana uu si gaar ah diiradda u saaray wada-hadallada xukuumaddu la bilowday kooxda Khaatumo, sedka cusub ee madaxweynuhu siiyey gobollada bariga, isagoo saluug ka muujiyey habacsanaanta ka muuqata axsaabta xilligan ee mucaaridka ah.

wariye aadan cabdi ciidle iyo prof. geesProfessor Gees oo waraysi gaar ah siiyey weriye Aadan Cabdi Ciidle oo bahda HCTV katirsan, ayaa ugu horrayn ka hadlay wada-hadallada lalal furay kooxda Khaatumo, waxana uu sheegay inay tahay tallaabo guul ah,“Waan  ku habalyeynayaa madaxweynaha wada-hadallada uu khaatumo la wado, aduunkana cid waliba way wada hadlaysaa oo yuhuuddii iyo carabtii baa wada hadlaysa, markaa arrintaas guul baan u arkaa, hadii uu madaxweynihii uu maanta Laascaanood iyo Buuhoodle tegay waa guul weyn oo kale, taasina waxa ay caddaynaysaa in Somaliland hawsheedii dhammaatay cid kale oo meel kale sheeganaysaana ma jirto.”.” Ayuu yidhi Maxamed Siciid Gees.

Maxamed Siciid Gees oo hadalkiisa sii wata, ayaa soo dhaweeyey sedka cusub ee siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada bariga dalka laga siiyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay in gobolladaasi diyaar u yihiin helitaanka sed intaas kasii badan, waxana uu yidhi,“Qoladayada reer Bariga ah haddii wasaaradda daakhiliga naloo dhiibay weli meelo kale oo noo hadhay baa jira oo aanu raadinayno, bahashuna waa meeto oo waa in meel walba lasoo wada maraa.”

Mudane Gees waxa uu si weyn uga biyo diiday habaca iyo tamar darrada ka muuqada axsaabta mucaaridka, isagoo barbar dhigay halgankii iyo dedaalkii uu muujin jirey xisbiga KULMIYE xilligii uu mucaaridka ahaa, “kulmiye markii uu mucaaridka ahaa habeen iyo maalinba wuu hadli jirey ilaa doorashadii la qabtay, laakiin qolada haatan mucaaridka ahi meel ay doorasho ku doonayaanba maan arag, markaa axsaabta waa inay isbedeshaa oo waddanka wax usoo kordhisaa inay iska aamusnaato lama rabo’e.” ayuu yidhi aqoon yahan Maxamed Siciid Gees.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews