berberatoday.com
“Qof Baa Marka Uu Doonayo Inuu Wax Noqdo Baa’biinaya Deegaankii Uu Ku Noolaa, Markaa Digtooni Badan Baynu U Baahan Nahay Oo Xaaladaha Kala Guurka Ah” H
August 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xaaladda Kala-guurka ah ee Somaliland gashay, waxaanu ku taliyey in loo digtoonaada ilaalinta amniga guud ahaan Dalka.Sh-Aaden-Siiro-735x400Sheekh Aadan-Siiro oo sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay Musuqmaasuqa dalka ka jira iyo dhibaatada Shaqo la’aantu ku hayso Dhallinyarada, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Xaaladda Kala Guurka ah ee Somaliland gashay wuxuu yidhi, “Cid kasta oo wax ku xidhan yihiin waxaanu leenahay Dalku Maanta wuxuu u baahan yahay Digtooni badan, Khudbadahanna waxaanu ugu talo-galnay Xaaladda kala guurka ah ee (Dalku galayo) si aanu u baraarujinno Naftayada iyo inta jecel in Dadkan iyo Dalkani Wax noqdaan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu sheegay, “Qof baa marka uu doonayo inuu Wax noqdo baa’biinaya Deegaankii uu ku noolaa, qof baa marka uu doonayo inuu wax noqdo baa’biinaya Walaalkii oo aragtidu ka gashay, markaa digtooni badan baynu u baahan nahay oo Xaaladaha kala guurka ah, Xagga amniga ayaynu uga baahanahay, Xagga Talo-qaadashada ayaynu uga baahan nahay, waxaynu digtooni uga baahan nahay Xagga guur-guuritaanka iyo Ummadda la rarayo ee la doonayo in wax loo soo kordhiyo in aanay noqon 4 laga gooyey 2, taas oo Macnaheedu yahay inaad Adigu khasaartay 2 iska daa’ waxaad soo kordhisee, markaa waxa habboon inaad taqaanno waxa Maanta habboon ee aan Berri habboonayn, taasina waata uu wax ku eegayo Qofka uu ILAAHAY Garashada dheer siiyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxa loo baahan yahay in Waddanka loo digtoonaado oo amnigiisa la ilaaliyo, oo aynu dhammaanteen u soo jeedno.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay Wax soo saarka Dalka Taiwan oo aan la aqoonsanayn iyo dhibaatada Musuqmaasuqu ku hayo Somaliland, “Dalka Taiwan oo aan Cidna Ictiraafsanayn wax soo saarkoodu wuxuu gaadhaa 192 Dawladood oo Adduunka ah, innagana meel walba oo aad u dhaqaaqdaa way ina Damqaneysaa, Musuqmaasuq, Carruurtii oo wada shaqo la’. Maxay Carruurtu u Tahriibaysaa, waxa Booskii shaqada ee uu xaqa u lahaa ka Imtixaanka ku soo baxay Derajada A ku fadhiya kii uu isagu Imtixaanka uga shaqeeyay ee ku soo baxay Derajada C, markaa maxay macno samaynayaan Shahaadooyinka iyo Hiigsiga Da’yartu.” Ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews