berberatoday.com
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Markii Ugu Horraysay Shaacisay Tirada Rasmiga ah Ee Cuqaasha Dalka Ka Diiwaangashan, Tirada Lacagta Ah Ee Ay Qaataan Iyo Inta Bilaa Mushaharka Ah
August 20, 2016 - Written by Berbera Today

Sii-Hayaha Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Arrintan Faahfaahiyey, Si Dadbanna Cabasho Uga Muujiyey Xilka-Qaadistiisa

“Shan Bilyan Oo Shilling Somaliland Ah Baan Sanadkii U Saxeexaa 2138-Caaqil Oo Noo Diiwaangashan, Waxana Lacagtaas Qaata 1138-Caaqil, Inta Kalena Marka Ay Miisaaniyaddu Noo Saamaxdo……..”Ex. Agaasime Cabdi-Fataax.

cabdifataax siciid axmedHargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa markii ugu horraysay shaaca ka qaadday tirada cuqaasha ah ee wasaaraddaas ka diiwaangashan, waxana cadadka cuqaashu noqday mid si weyn uga ballaadhan qiyaastii caadiga ahayd ee ay shacabku filayeen.

Sii-hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaraddaas, ahna agaasimaha cusub ee waaxda Dawladaha hoose ee wasaaradda arrimaha gudaha Md Cabdi-fatax Siciid Axmed oo arrintan ka hadlay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday cadadka lacagta ah ee ay cuqaasha wasaaraddiisa u diiwaangashani ka qaataan qaranka, taas oo u muuqata mid culays ku ah kharashka waddanka.

Agaasime Cabdi-fataax waxa uu sidoo kale si cad u sheegay tirada cuqaasha ah ee iyagoo diiwaangashan, haddana aan weli wax lacag ah qaranka ka qaadanin, kuwaas oo uu sheegay inay dhawaan geli doonaan diiwaanka rasmiga ah ee dadka wasaaraddaas mushaharka ka qaata,

“shan bilyan oo shilling Somaliland ah baan sanadkii u saxeexaa 2138-caaqil oo noo diiwaangashan waxa lacagtaas qaata 1138-caaqli, inta kalena marka ay miisaaniyaddu noo saamaxdo, ayaanu la sugaynaa.” Ayuu yidhi agaasime Cabdi-fataax Siciid Axmed.

Agaasimuhu isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu carrabka ku ballaadhiyey lacagto xad-dhaaf ah oo lagu magacaabo KAB, kuwaas oo ay dawladaha hoose ee dalka ka jiraa sanadkii qaataan, balse aan si fiican loo aqoonin waxa lagu qabto, waxana uu yidhi, “waxan aamin sanahay in la I dallacsiiyey, anigoo agaasime ahna dawladaha hoose sanadkii sagaal milyan oo dollar oo kab ah baan u saxeexaa, taasina waa sed buursiinyo oo degreeto madaxweynay ku qoran tahayba.”.

Mudane Cabdi-fataax waxa uu sheegay in muddadii uu agaasimaha guud ka ahaa wasaaradda arrimaha gudaha uu wax badan korodhsaday, “waxan bartay degmooyinka dalka oo dhan, cuqaasha, sida ay reeruhu kala yihiin, kababka ay dawladaha hoose leeyihiin, waana wax aan shacabka iyo dalkaba uga faa’iidayn doono.”

Ex. Agaasimihii guud ee wasaaradda arrimaha guduhu waxa uu si dadban u sheegay inuu saluugsan yahay hoos u dhigidda uu madaxweynuhu ku sameeyey xilkii uu hayey, waxana uu sheegay inuu dhawaan jawaabta tabashadiisa heli doono,“dadka madaxweynaha ugu dhaw dhaw baan ahay, bani’ aadamkana waxa laga yaabaa in marmarka qaarkood  tabasho ay iska timaaddo, taasina waa wax qofka ku dhici karaysa way noqon kartaa, qancinteeduna way dhacdaa, waana wax aniga madaxtooyada naga dhexeeya, waxana aan rajaynayaa in wakhti aan fogayn ay taasi caddaan doonto, laakiin imika waan ku qanacsanahay xilka uu madaxweynuhu ii magacaabay.”

cuqaashan” ayuu yidhi Cabdi-fataax Siciid Axmed.

Dad badan oo ku xeel dheer cilmiga dhaqaalaha, ayaa si weyn u dhaliila lacagaha xad-dhaafka ah ee xukuumaddu sida joogtada ah u siiso cuqaasha tiradoodu xadhkaha goosatay ee dalka ka diiwaangashan, waxana ay ku doodaan in lacagta cuqaashaas la siiyo ay ku haboon tahay dalka wax ka muhiimsan loogu qabto, maadaama aanay qaranka wax faa’iido ahi ugu jirin in cuqaal danahooda ku foogan oo aan wax shaqo ah haynin lacago joogto ah la siiyo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews