berberatoday.com
Caynaba”Xukumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Wariye Axmed Sakaaro
August 20, 2016 - Written by Berbera Today

Caynaba(Berberatoday.com)-Ciidamada amaanka ee Gobolka Saraar Gaar ahaan Degmada caynaba ayaa maanta abaara 11kii duhurnimo Xabsiga utaxaabay Wariye Axmed Muuse Maxamed(Axmed Sakaaro)oo ah Gudoomiyaha Wargeyska Madaxbanaan ee Codka Shacabka  islamarkaan ah Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA.

Xadhiga wariyaha ayaa waxa la sheegay inay amreen masuuliyiin sare oo katirsan Xukumada kuwaas oo waayadan danbe dhaqdhaqaaqa Wariyahan isha kuhayay kadib markii uu soo bandhigay Warar xaqiiqo ah oo la xidhidha qaabka ay ushaqeeyaan wasaaradaha dawlada oo habacsanaan badani ka muuqato iyo isku xidhnaan la,aan ka dhex jirta Wasaaradaha Dawlada iyo Madaxtooyada taas oo keentay inay Xidhmaan Xafiisyada wasaaradaha dawlada qaarkood ee Gobolada dalku.

Wariye Axmed Sakaaro iyom suxufiyiin kale oo la socday ayaa waxa ay wateen baabuur uu leeyahay Wariye Axmed iyaga oo kamid ahaa Wariyayaashii la socday waftigii Xukumada iyo Asxaabta Qaranka ee Degaamada Gobolka Sool utagay bar bilawga iyo dardar galinta Diwaan galinta Codbixiyayaashaoo la filayo inay dhawaan ka bilaabanto deegamaas Gobolka Sool.

Wariye Axmed Sakaaro ayaa waxa laga qabtay markii la xidhaadhay Kaantaroolka Magaalada Caynaba iyada oo lagu war galiyay in amar Xukumada sare ka yimi lagu xidhaayo suxufiyiintii kale ee la socdayna layska siidaayay balse isaga iyo baabuurkiisiiba ilaa hada ay ku xidhan yihiin Saldhigay Magaalada Caynaba.

Xdhiga Wariye Axmed sakaaro ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili aan waxba laga qabanin weerar qorsheysan oo bishii tobnaad ee sanadkii 2015kii lagu qaaday Wariye axmed Sakaaro looguna gaystay dhaawacyo halis ah oo laga gaadhsiiyay Madaxa xeer iyo xaqtoona aan la marinin layskana siidaayay ragii weerarkaa ugaystay oo ilaa hada Suuqyada magaalada Burco hub dhex sita. weerarkaas qorsheysan oo Axmed Sakaaro sheegay inay hore ugu soo qaadeen ama ay soo qorsheeyeen Masuuliyiin Xukumada katirsan oo ka gubtay Xogo iyo warar Muhiima oo uu ka baahiyay.

Axmed sakaaro

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews