Dalalka Taageera Dimuraadiyadadda Somaliland Oo Hargeysa Ku Soo Socda Iyagoo Ka Walaacsan Muddo Kordhinta Madaxweynuhu U Samaynayo Golaha Wakiilada
August 21, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa ku soo socda magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyagoo ka walaacsan go’aanka la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyo golaha wakiilada ee ah in labada doorasho la kala qaado, golaha wakiiladana loo kordhiyo muddo laba sannadood ah.