berberatoday.com
Jaamacadahii Somaliland oo noqday Tusbax Furmay, Waxaan leeyahay Jamacadihii way bateen Tayadoodiina way hooseysaa ee kor ha loo qaado. qalinkii A/rahman fidhinle UK
August 21, 2016 - Written by Berbera Today
Jaamacaduhu waa goobaha ay cilmiga iyo caqliga cokani ku gadhoodhaan kuna kulmaan , taas oo noqota goob aqoonta lagu falkiyo, lagu hufo oo lagu curiyo laguna baro ubadka u ooman cilmiga. Aqoontu waa ruuxiyaadka hogaamisa binu aadamka oo hayaanka horumarka ku habta kuna hanuunisa.Aqoontu sideedaba ma ha sida loo kala afmiishaarsan yahay ee loo kala aftahan san yahay ee aqoontu waa Takhasus aqooneed oo qofka qaar u ah ( Proffessional skills ) Aqoontu waa halka bulshadu ka dhisanto waana in Xukuumad kastaa ay Xooga saartaa sidii loo tayeyn lahaa ee ummadda loo wada gaadhsiin lahaa. Waxaan dhawaan booqday oo la yaabay in ka badan 20 Jaamacadood oo Somaliland  ku yaala. Somaliland oo ah Dawlad yar oo aan weli la ictiraafin  ayaan milicsaday in ay ka hawlgalaan ilaa iyo 32 Jaamacadood oo isku wada maado dhiga,oo “copy cat” ah, kuwaas oo badankoodu cusub yihiin oo aany weli ardayi ka bixin. Waxaana ka mid ahaa Jaamcadahaa liiskan hoose:
1- Amoud University……… Waa Jaamacada Kowaad ee Somaliland ka hirgashay taas oo laysugu habar wacday laguna fadhiisiyey maskax tuugin cokan sanadkii 1998
2- Hargeisa University…… Waa Jaamacadii labaad ee JSL ka hirgashay sanadkii 2000 .taas oo ay bud-dhigeen aqoon yahano  laakiin khilaaf ragaadiyey mudo dheer.
3- Burco Univesity ………… Waa Jamacadii Sadexaad ee Somaliland ka hawgasha oo dhamaan laamaheedu Gobolada dalka wada gadheen
4- Golis University ………… Waa Jaamacada Afraad ee Somailand ka hirgashay taas iyana tartan ugu jirta in aaney isdhimin ardeyda ay waxbaraan.
5- Sanaag  University …………………………….
6- Adna Adan University………………..…………
7- Rift Valley University………………..…………..
8- Adams University………………..………………..
9- Maroodi Jeex University………………..……….
10- Jimma University………………..………………..
11- Horn international University College………..
12-Frantz Fanon University………………..………..
13- Abaarso Technology University………………
14- New Genaration University  College…………
15- Alpha University College…………………..…….
16- International Horn University………………..
17- Mount Kenya University………………..………
18- Addis Apapa Medical University……………..
19- Al-najax University Burco…………………….….
20- Timocade University………………..…………….
21- Hope University………………..…………………..
22- Berbera Marinetime University………………..
23- Nugaal University………………..…………………
24- Beder University …………………………………..
25- Ealo University Borama………………………….
26- Badhan University………………..……………….
27- Unity University………………..………………….
28- Sheikh Vetenary College…………………..…..
29- Sidem College ……………………………………..
30- Somaliland University of science and technology
31- Fairland University………………..……………..
32- Niilayn University ………………………………..
Maadaama aanay Xukuumada talada haysaa ku qotomin waxbarashada sare ee dalka Siyaasad cad (  National Policy ) oo lagu hago waxabarashada Jaamacadaha Dalka waxay Jaamacadihii dalku noqdeen Meherado layska furto sida Dukaanada. Sida mujtamaca reer Somaliland ka wada dheregsan yihiin qaar ka mid ah Jaamacadaha Somaliland ee dhawaan la furay waxay ku abuurmeen hinaase shaqsi ah oo ku habsaday Proffesor is bedeyaal dalka u dhashay ka dib markii uu xaalkoodu noqday “aqooneey ama aan ku cuno ama ku ciideeyo“. Jaamacadahaa qaarna waxay dalka ku yimaadeen Qayd xanbaarasho dhabarka lagu soo qaatay magac Jaamacadeed oo  African ah oo aan tayo iyo tiirar adag iyana ku taagneyn.Badanka Jaamacadahaasi qoraal yar mooyaane ma lahaWaax ama Unug u qaabilsan tayeynta waxbarashada ay dhigaan ” Quality insurance ”  malaha Halbeeg lagu cabiro ”  Indicators ” dawlad kantarooshana xaalkeeda iska daa. Badanka Jaamacadahaasi kuma xidhna Jaamacadaha aduunka. Qaar ka mid ah Jaamacadahaasi waxay soo koobeen waqtigii iyo saacadihii simistarka ee wax loo dhigayey ardeyda, waxaana ay badka soo dhigeen macalimiin aan aqoon sare iyo tababar badan laheyn, taas oo tayadii tacliintii Jaamacadaha JSL ramiimka ka dhigtay oo god madow ku sii riday,waxaana ay kireysteen Jaamcadahaasi goobo yar yar oo guryo kooban ah oo aan loogu talo galin baya’d waxbarasho laakiin loogu talo galay guryo la seexdo.
 Maanta waa in la ladabo qabataa tayeynta Tacliintii sare ee Somaliland oo hada raacday dariiq silan oo sabool ka ah Hoy cilmiyeed lagu soo hirto.Maadaama aaney ku fadhiyin aragti cilmiyeysan ee xaalku iska noqday  dhuuni raadin, dhaqaale doon iyo dilaalnimo loo adeegsaday aqoontii mugdiga iyo jaahilnimada lagaga bixi lahaa waxaana uu maxsuulku noqon doonaa hadii aan la xakameyn in ay Jaamacadahaasi soo hurgufaan oo soo saaraan dilaaliin iyo afmiishaariin aqoon ahaan aan isku kal sooneyn oo aan academic aheyn. Waxaan isweydiiyey su’aasha ah,Jaamacadahan dhawaan dhaladka ah ee shaqsiyaadku  ay tuurta ku sitaan ma noqon doonaan War cilmiyeed loo soo arooro oo cidii cilmi u haraadani ay ku qabowsadaan kuna oon baxaan ? Su’aasha Jawaabteeda waxaan u daayey Shacabka gobta ah ee  reer Somaliland.
Waxaa aad hoos ugu dhacay kalsoonidii, qiimihii, haybadii, qadarintii iyo karaamadii uu macalinka , Doctorka iyo  prosseforku lahaa.
Waxaa milan iyo maydhanaan taban noqotay hiraalkii iyo ixtiraamkii  Cilmiga iyo aqoontu lahayd, saa dilaal waliba wuxuu ku leeyahay Jaamacada ayaan ka qalin jebiyey ama wax ka  dhigaa. Maadaama uu qiimihii iyo qadarintii Deanka Jaamacada iyo Professorkii Jaamacadu uu hoos u dhacay oo habar waliba sheegatay ” Ditoore iyo Professore ” Dawladii iyo Bulshadiina ay ilaashan wayeen ee ay indhaha ka daawanayaan tayentii waxbarashada waxaa ay  taasi god madow ku ridaysaa hadii ay sii socoto qiimihii iyo xiisihii loo hayey in la barto cilmiga maadiga ah ee taxliinta sare ee Somaliland.
Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta : Hadii aan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban tayada Jaamacadaha Somaliland, qiimaha tacliinta sare ee Somaliland waxay la mid noqonaysaa ”  Dubihii Tumaalka ama Hangoolkii Geeljiraha.”  Waayo tacliintii waxay noqotay badeecad cid waliba ka ganacsato oo aan weligeed expire noqoneyn. Tacliintii waxay noqtay shay aan  caqliga ardayga kobcin karin oo aan kalsooni iyo iimaan sugan liqsiin karin. Tacliintii waxay noqonatay mid aan ku fadhiyin fikir, fahmo iyo fasiraad qoto dheer, mid aan ku fadhiyin caqli iyo cilmi riban oo cid walibana sheegato shahaadada ay doonto. Bulsho kasta baa’ba’eedu wuxuu ka bilaabmaa marka aqoonta, cilmiga iyo caqligeedu uu maqaar siibto waana  taa xaalada ay maanta ku sugan Tacliintii sare ee Somaliland. ” waana iyaga iyo Allahood ” !
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews