Orodyahan MO Farah Oo Mar Kale Ku Guuleystay Biladda Dahabka Orodka 5 Kun Mitir
August 21, 2016 - Written by Berbera Today
Rio(Berberatoday.com)-Orodyahanka reer Britain ee Asal ka soo jeeda somaliland MO Farah ayaa mar kale hantay biladda dahabka 5 kun Mitir waana biladii labaad oo dahab ah oo la gudoonsiiyay mudada tartanka Rio 2016 madama uu horay ugu guuleystay biladaha dahabka orodka 10 kun Mitir.

MO Farah ayaa noqday orodyahankii labaad ee taariikhda tartankaan difaacda laba biladood madama uu sidoo kale bilado dahab ah ka qaatay orodka 5 kun Mitir iyo 10 kun Mitir tartankii Olympic-ada Aduunka ee ka dhacay London sanadkii 2012.