berberatoday.com
Isticmaalka Tiknoolajiyada oo Hoos-u-dhac ku Keentay Maskaxda Bina’aadamka
August 22, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Waxa daraasado badan oo la sameeyey waqtiyadan u dambeeyey lagu iftiimiyey in horumarka tiknoolajiyadu taban ee uu ku yeeshay bina’aadamka ay ka mid tahay fahankooda oo yaraata.

Moobilada casriga ah, kombuyuutarada, internetka iyo waliba ijiinada macluumaadka laga baadho ee Google ugu horreeyo waxay sabab u noqdeen in qofku aannu ku kalsoonaan aqoontiisa.

Cilmi-baadhista ugu dambaysay uu ay sameeyeen saynisyahanno ka kala socda Jaamacadaha Waterloo iyo University College London, ayaa sheegay in tiknoolajiyadu cawaaqib darran ku yeelanayso maskaxda bina’aadamka.

“Natiijadu waxay noqotay in awooddaada xasuuseed ee macluumaadka aad haysaa ay yar tahay haddii aanad kombuyuutar marka gacanta ku hayn, waxanaa jira shaki aan badnayn oo tilmaamaya in tiknoolajiyadan cusub ay saamayn ku leedahay waxa aynu xasuusanno,” ayuu yidhi Evan Risko oo ah khabiir cilmi-nafsita ka dhiga Jaamacada Waterloo.

Khubarada kala ah Sam Gilbert oo barashada neerfiyada (Neuroscientist) ku takhasusay  kana tirsan Jaamacada University College London, ayaa dib u eegis ku sameeyey daraasado badan oo laga sameeyey arrintan, waxaana u soo baxday in tiknoolajiyadu saamayn ku yeelatay maskaxda iyo hab xasuuseedka bina’aadamka muddooyinkii u dambeeyey ee ay horumarka samaysay tiknoolajiyadu.

Sidoo kale, khubaradu waxay sheegeen in macluumaadka badan ee Google laga helaa ay ku keenaan dadka in ay isku haleeyaan oo maskaxdooda xasuusteeda isku halayn kari wayaan, waxaanay daraasad ka mid ah cilmi-baadhisaha khubarada qayb ka ahaayeen sheegtay in dadka internetka macluumaadka ka baadha aanay ku kalsoonayn fahankooda amma maskaxdooda inta badan, aakhirkana saamayn ay ku yeelato aqoontooda.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews