berberatoday.com
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Gaalkacyo Kaga Qayb-Galaya Aaska Dadkii Shalay Dhintay
August 22, 2016 - Written by Berbera Today

Galkacayo(Berberatoday.com)-Wafdi u Hor-kacayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Camey ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo oo saaka lagu Aasayo dadkii ku dhintay labadii qarax ee shalay lagu weeraray xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

2015414635645896445700676Camey 2

Ciidamada Ammaanka ayaa aad u sugaya amniga wafdiga oo ay ku jiraan xubno ka tirsan wasiiradda iyo xildhibaanada Puntland, kuwaasoo shacabka Gaalkacyo kala qayb-qaadanaya aaska 25-kii qof ee ku geeriyooday Qaraxyadii shalay Al-shabaab gaalkacyo ay ku qaaday.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa markii uu gaaray Gaalkacyo, wuxuu ugu tagay booqasho dhawaacyadii qaraxyadii shalay, kuwaasoo lagu daweynayo haatan isbitaalka guud ee Magaalada, wuxuuna sheegay inay Qaadi doonaan dhaawacyada halista ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto Puntland, kaddib shan cisho oo uu maqnaa itoobiya, halkaasoo madaxda dalkaas kala hadlay arrimo ay ugu mihiim-sanaayeen Ammaanka Geeska Afrika.

Ugu dambeyn, Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada Gaalkacyo, iyadoo wararka aa helayno ay sheegayaan inay socadaan baaritaanno ay fulinayaan qaar ka mid ah ciidamada amniga Puntland oo u baadi-goobaya kooxihii ka dambeeyay weerarkii shalay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews