“Markay Dorashadu Timaaddo Waxa La Yidhaahdaa Buuraha Kimis Baanu Idiin ka dhigeynaa”Waxgaradka Degmada Boon Oo Xukumada Ka Cawday
August 22, 2016 - Written by Berbera Today
“Degmada Boon Malaha Saldhig Booliis Iyo Xarun Caafimaad, Laakiin Markay Dorashadu Timaaddo Waxa La Yidhaahdaa Buuraha Kimis baanu Idiin ka dhigeynaa” Waxgaradka Degmada Boon Oo Cawday
Boon(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Odayaasha Degmada Boon ee Gobolka Selel, ayaa cabasho xoog leh ka muujiyey Degmada oo aan lahayn Xarun Caafimaad, Saldhig Boolis iyo inta badan Adeegyada kale ee aasaasiga ah.
Odayaasha degmadaasi oo Shalay Warbaahinta kula hadlay gudaha Boon, ayaa sheegay inay degmada hoos yimaaddaan dad ka badan 20 kun oo qof, laakiin aanay lahayn adeegyadii aasaasiga ahaa, hasa-ahaatee marka doorashadu soo dhawaato loo ballan-qaado in baahiyaadkooda wax laga qabanayo, laakiin aanay waxba ka rumoobin ballan-qaadyada.