berberatoday.com
Orodyahankii Itoobiya Uga Qayb Galay Ciyaaraha Olambikada Ee Brasil Oo Dalbaday Inaan Lagu Celinin Dalkiisa + Sababta
August 22, 2016 - Written by Berbera Today

Rio(Berberatoday.com)-Fayisa Lilesa oo kamid ah ciyaartoyda dowladda Itoobiya uga qayb-galayay ciyaaraha olombikada adduunka ee Rio ayaa si la yaab leh u dabaal-degay ka dib markii u soo gaaray diilinta kama danbaysta ah ee orodka ,waxaana uu kor u taagay gacmihiisa isaga oo sawiraya calaamadda isku-talaabta ama (X)-ta.

Lilesa ayaa la arki karayay sida uu uga soo horjeedo dilalka lagula kacay boqolaal kamid ah qowmiyadda Oromada ,kuwaasi oo todobaad-yadii la soo dhaafay dibad-baxyo ka dhigayay qaybo kamid ah kililka Oromada ee dalkaas.orodyahan itoobiyaan ah.jpg 2

Dibad-baxyadan ka dhacayay gudaha Itoobiya ayaa lagu dalbanayay in aan lagu soo xad-gudbin dhul ay Oromadu leedahay oo la doonayay in laga hirgaliyo mashaariic ,isla markaana lagu balaariyo dhismaha caasimadda Addis Ababa.

Hay’adda xuquuqul-Insaanka ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Itoobiya ay dishay dad gaadhaya 400 oo qof ilaa iyo bishii Novembar xilli ay ka qayb-qaadanayeen dibad-baxyo kala duwan oo dowladda looga soo horjeedo.

“Qaraabadayda oo dhan waxa ay ku jiraan xabsiyada ,hadii ay ka hadlaan waxyaabo ku saabsan dimuqraaddiyadda waa la la dilayaa “ ayuu yiri Lelesa oo tilmaamay in uu yahay nin Oromo ah uuna taageersan-yahay dibad-baxyada looga soo horjeedo dowladda.

Lilesa ayaa hadda u muuqda geesi qaran oo ku guulaystay bilad ,kaasi oo aan dib ugu laaban karin dalkiisi hooyo ,waxaana uu ka cabsi qabaa in la xiro ama la dilo hadii uu ka dago Addis Ababa ,waxaana uu sheegay in aysan taasi suurtagal ahayn.

“ Hadii aan dib u laabto waa ay i dilayaan ,hadii kalena waa ay i xirayaan ,wali ma go’aansan halkii aan aadi lahaa ,balse waan ku khasbanahay in aan meel kale aan u wareego “ ayuu mar kale yiri Lelsa.

Ugu danbayn, Sanadkii 2014-kii afar ciyaar-yahan oo u ordayay Itoobiya ayaa daganaansho siyaasadeed ka dalbaday dalka  Maraykanka ka dib markii ay ka qayb-galeen tartan orod ah oo lagu qabtay magaalada Eugene ee dalkaas.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews