Rasaasayn Uu Hal Qof Ku Geeriyooday Oo Laasacanood Ka Dhacday Xilli Diwaangalintii Codbixiyuhu Maanta Ka Bilaabantay + Sababta Keentay Is Rasaasaynta
August 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Khilaf ka dhashay qiimaha Cashuurta ayaa sababay in qof uu ku dhinto mid kalena ku dhaawacmo is-rasaasayn u dhexaysey Qaad-layaan iyo Ciidamada Booliiska garoonka diyaaraddaha ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Lama cadayn karo sababta keentay khilaafka soo kala dhexgalay Maaliyadda iyo mid ka mid ah shirkadaha keena qaadka laga soo waarido wadanka Kenya, waxase warar laga helayo dadka ku dhowdhow ay sheegayaan in shaki ku yimi shirkada Qaadka ay u qaateen in looga eexaday mid kale oo tartan ka dhexeeyo.