berberatoday.com
Siyaasad Xumada Xisbiga Waddani Iyo Saadasha Maqan
August 22, 2016 - Written by Berbera Today

Nin siyaasad liitaa waa siduu ahaan jireye
Kuwaan saamaha u tumey ayaa qoorta lla ii sudhaye
Hadba waxaan saliilyonayaa seedaha i mudane
Ragii qodaxda ila saari lahaa haadka lagu soorye
Sagag bey ku le deen colkii saylac furan lahaaye
Anaa mariyey soofaha magliga rag igu saafee
Salku ii ruqyeey waa nigaa siiga la’aan kacaye.)
Tixdaasi waxay ka mid ahayd gabeygii saxansaxo ee marxuum maxamed xaashi dhamac gaariye ee 1987kii
Kaas oo uu kaga hadlayey siyaasad xumadii ururkii snm.

Kaa waxaa ka dhigan siyaasad xumada xisbiga wadani ee gadhwadeenka uu ka yahey ninka ciro la yidhaahdo kaas oo uu ku guuldareystey inuu ka faa’ideysto jaaniskii todobaadkan ku soo marey aqalka dhaameel quutayaasha ee uu horjoogaha ka yahay isla markaana halkii uu mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo hogaamineed uga faa’iideysan lahaa mooshinkii dhaxalwereejinta dekada berbera oo la og yahay inuu cod qeyral xad ah ku heli bulshada slna ku kasban lahaa haduu si sharciga waafaqsan ugu bandhigi lahaa xukumadana ku khasbi lahaa in heshiiska rasmiga ah la hor keeno golaha si loo qanciyo bilshada sl .
Dood dheer ka dibna hadii la doono marka danbe haba ansixiyee haduu isku dhigi lahaa nin daacad ugu adeegaya bulshadiisa waxaa hibaal ah inuu cod aqlabiyad ah ku kasban lahaa guud ahaan shacbiga jsl.
Hadase waxaa hubaal ah degaanka u kasoo baxay ee saxil marka laga reebo qoyskiisa muuse cabddalle wax aan ahayn inaanu hal cod ka heleyn .
Sidoo kale hubaal waxaa ah inuu door bidey inuu sharci daro duuduub ku ansixiyey dhaxalwereejintii dekada berbera isla markaana ku waayey garabadiisii siyaasadeed iyo baalashii uu ku duulayey kuna doorsadey hanti urusi iyo laaluush uu ka qaatey mooshinkan

 
Maxamed Ismaaciil Cumar(Maxamed Biid)
Gabiley/Somaliland
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews