berberatoday.com
Somaliland”Diwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashada Oo Lagu Daahfuray Gobolka Sool
August 22, 2016 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Daahfurka diwaangalinta Codbixiyayaasha Somaliland ayaa maanta lagu qabtay caasimada Gobolka Sool ee Laascaanood.

Wasiiro ka tirsan xukuummada Madaxwayne Siilaanyo, Madaxda Xisbiga Kulmiye,Waddani iyo Ucid, salaadiin, golaha deegaanka magaalada Laascanood, guddida komishanka Doorashooyinka iyo shacabka ku nool gobolkaasi ayaa ka qaybgalay munaasibada lagu daahfurayay diwaangalinta codbixiyaha doorashada oo maalinta berry ah si rasmiya uga bilaabmaysa Gobolka Sool ee barriga Somaliland.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Faratoon,  oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa dadwaynaha gobolka Sool ugu baaqay inay is diwaangaliyaan si ay u muujiyaan codkooda doorashada madaxtooyada iyo wakiilada ee soo socota.

Madaxda Saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani ayaa iyaguna taageerayaashooda ugu baaqay inay is diwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan xisbiyada ay taageerayaan marka la gaadho doorashada.

Diwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashada ayaa berri oo ay bishu tahay 23 ka bilaabmaysa Gobolka Sool iyadoo sanadkan ay sanaduuqda diwaangalinta la dhigayo goobo hore aan la iskaga diwaangalin jirin islamarkaana doorasho uga dhici jirin.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews