berberatoday.com
SOOL: Shaqaaqo Ka Dhalatay Cashuur Lagu Soo Roogay JAADKA Laascaanood Looga Keeno Kenya Oo Hal Qof Ku Dhintay, Nin Dhaawacmay Iyo Xog-Waranka Badhasaabka
August 22, 2016 - Written by Berbera Today

 

Laascaanood(Berberatoday.com)-Inta la ogyahay Hal Qof baa ku dhintay, Mid kalena wuu ku dhaawacmay Is-rasaaseyn Shalay ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Is-rasaaseynta ayaa dhex martay Qaadleyaal Garoonka Laascaanood Diyaarad ku keena Qaad ay ka soo waaridaan Kenya iyo Ciidanka Booliska ee qaabilsan Amniga guud ee Garoonkaasi, waxaana Rasaastaas ku dhintay Hal Nin oo ka mid ahaa Qaadleyaasha, waxaana ku dhaawacmay Nin kale.

Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo dhawaan loo beddelay Gobolka AWDAL, balse illaa hadda aan xilka Gobolka Sool wareejin, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Qaadleyaashu diideen inay bixiyaan Cashuur lagu soo rogay Qaadka ka soo dega Garoonka Diyaaradaha Laascaanood, cashuurtaasi oo aan hore looga qaadi jirin.

“Qaadka Cashuur lagama Qaadi jirin, dabadeedna waxa la yidhi Cashuurta hala baro (Qaadleyaasha), markaa Qaadleyaal abaabulan baa Ciidankii ilaalada ka ahaa Madaarka Weerarray, waxayna hor-istaageen Cashuurtii, rasaas bay rideen, dabadeedna waxa isku dhaceen iyaga (Qaadleyaasha) iyo Booliska.” Ayuu yidhi, Mustafe-shiine, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya in Qofka ka dhintay dhinaca Qaadleyaashu ku baxay Rasaasta Booliiska iyo in kale, “Lama caddeyn karayo, laakiin Ninkaasi wuxuu ku dhintay Shaqaaqada Meesha ka dhacday, Nin kalena waa dhaawac.”

Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay in Shaqaaqadan Dad loo xidh-xidhay, “Haa..Dad waa loo xidhay, laakiin Shaqaaqada meesha ka dhacday Dawladda ayaa la wareegaysa, Kiiskana waalla baadhayaa.” Ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo koobay Badhasaabku.

Badhasaabku ma sheegin Magaca Shirkadda diidday Cashuurta lagu soo roogay ee Ninku kaga dhintay Is-rasaaseynta Booliska dhex martay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews