berberatoday.com
Wasiir Cadaaniga Warfaafinta Oo Waji Gabax Kala Kulmay Odayaal Iyo Dhalinyaro Jufadiisa Kasoo Jeeda Oo Lagu Amray Inuu Soo Hanuuniyo
August 22, 2016 - Written by Berbera Today

Cadaani8Burco(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaradda warfaafinta Somaliland cismaan C/laahi Saxardiid (cadaani) oo ku sugan magalada burco ayaa dalab u gudbiyay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beeshiisa kaasi oo uu doonaya inuu kala hadlo oo uu kala shiro arrimo siyasadeed oo uu xanbarsanaa, Hasa yeshee odayaashasi oo isagu jiray cuqaal,waxgarad iyo dhalinyaro ayaa markii dalabkasi la gadhsiyay ku gacan saydhay diidayna inay la kulmaan wasiir cadaani, Wasiirka oo samaeyay isku dayo badan oo uu ku radinayay inuu la kulmo uun odayaal ayaa ugu danbayntii la kulmay qaar ka mid ah odayasha beesha hore muxafid u ahaa balse uu wasiirku kala kulmay waxaanu filayn oo ku abuuray dareen cadho leh, Sida ilo xogogal ah oo u dhuun daloolay kulankaasi ay shegeen ayaa wasiirku usoo bandhigay tagerada xukumada iyo xisbiga kulmiye balse oday ka mid ah kuwii tagerada u wayn la barbar istagi jiray wasiir cadaani ayaa wasirka ku ganay hadal aanu filayn oo waran ku noqday, wedhahaasi oo ahaa “Wasiir Cadaani in badan ayaanu kula shaqaynay waxaanu ku haysanay nin bulshada iyo dadkaba waxtar usoo kordhinaya balse waxaad noqotay nin guul-wadayn iyo wax aan la garayn usoo hajiriyay dalka horana beeshani uma soo marin wasiir noocas oo kale ah,waxanad noqotay wasiirkii ugu liitay ee soo mara beesha waxaanan kugula talin-lahaa inaad iscasisho mar hadii ay beeshii ka dhaqaqday iskuna raacday” Ka dib markii ay wedhahasi ka soo yedheen odaygaasi ayaa mudane wasiir cadaani odaygii kula booday aflagado iyo hadal qalafsan isla markaasna ku waashay kacaa fadhiisi kuna saxday jaadkii uu wasiirku cunayay kaasi oo wasiirka loola soo cararay biyo ka dibna waxa uu wasiirku cunay kiniin dawo si uu isaga dajiyo cadhada iyo neerfiska ku dhacay, Goobtii uu kulanku ka socday ayaa waxa ka abuurmay qaylo iyo buuq waxaanay dadkii madasha fadhiyay taagero buuxda u muujiyeen odaygii hadalada kulul ku ganay cadaani iyaga oo ay hadalododi ka mid ahayeen “Waanu ku tagersanahay hadalka odaygu ku yidhi,waxaanu ku shegaynaa maanta wasiir cadaanow maanta beesha wax kuu yalaa ma jiraan taas ku biyo cab” Intasi ka dib wasiirka warfaafinta ayaa isla markiiba goobtasi ka urursaday xamamadasi isaga oo ay afkiisa ka soo yedhaysay hadalo cadho iyo aflagado ahi kuwasi oo ay ka mid ahayeen “ yaa iigu yeedhay odayadashan maaha kuwii aan doonayee” Ugu danbayntii dhacdadani wasiir cadaani kala kulmay kulankani ayaa ahayd mid uu fadeexad iyo waji-gabax adag kala kulmay,noqotayna mid lagaga shegayso gudaha magalada burco gaar ahaana goobaha ay bulshadu ku kulanto,

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews