berberatoday.com
Weriye Maraykan Ah Oo Uu Ka Oohiyey Muuqaalka Ilmo Reer Suuriya Oo Ka Badbaaday Diyaarad Gurigooda Duqeysay
August 22, 2016 - Written by Berbera Today

Ilme Yar SuriaNew York(Berberatoday.com)-Kate Bolduan waa weriye muxtarim ah oo ka tirsan Warbaahinta caanka ah ee CNN. Waxa ay soo deysay muuqaalka ilmo yar oo reer Suuriye ah oo ka badbaaday duqayn arxan darnayd oo lala beegsaday qoyskooda oo gurigooda iska jooga.

Waxa ka muuqday wejiga weriye Kate dareen bini-aadantinnimo, iyada oo warka sidaa u bilawday ayuu hadalkeedu hakad galay, iyadoo markaa dib ilmada xajin kari wayday oo ooyday iyadoo si toos ah Telefiishanka CNN uga tabinaysa Warka ilmahaa yar.

Weriyaha ayaa Warka ay ka soo tabinaysay Telefiishanka CNN ku bilowday, “Maanta gudaha Maraykanka waxa aynu soo gaadhnay dhammaadkii xagaaga.

Ubadka halkani (Maraykan) waxa ay ku daanshadaanshoonayaan xorriyadda maalmihii u danbeeyay ee xagaaga. Ama dugsigii ayaaba u furmay oo ay tegayaan.

Waxa aynu halkan (Maraykanka) kaga sheekaysanaynaa ubad caqiibo leh [maskax ahaan], iyo goobo ay ubadku ku ciyaaraan.

Balse qayb kale oo dunida ah ubad ayaa ku dhimanaya, geeri ka kacaya, ama xaalad geeri iyo nolol u dhexaysa ku jira.”

Kate Bolduan oo sharraxaysa Ilmahan oo laga soo saaray burburka Gurigoodii oo hooyadii, Aabihii iyo qaar ka mid Walaaladii ku dhinteen duqeyn ay diyaarado uu Dalkiisa Suuriya leeyahay u geysteen Gurigooda, ayaa tidhi, “Sida ay sheegeen dhaqdhaqaaqayaal, kani waa Cumraan” laakiin waxay haddana bilowday oohin, iyadoo Ooyeysa ayay hadalkeeda raacisay “Hooyadii, Aabbihii, walaalkii iyo walaashii ayaa uu la joogay. Gurigoodii ayaa lagu duqeeyay.”

Weriyaha ayaa Muuqaalka ilmaha yar ee la soo badbaadiyey, ka dambeysiisay oo sii daysay Sawirka Ilmo yar oo u dhashay Dalka Suuriya oo Sannadkii hore ku dhintay badda u dhexeysa Suuriya iyo Giriigga, kaasi oo meydkiisu indhaha Caalamka ku jeediyey dhibaatada Suuriya ka taagan.

Dagaalka Suuriya oo socday Muddo shan Sannadood ah, ayaa waxa la sheegay inay ku dhinteen Dad Rayid ah oo ka badan 400.000.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews