berberatoday.com
Muuse Biixi Muxuu Ku Doorsaday Mulkiilaha Wargeyska Haatuf Oo Ay Soo Wada Mareen Xiliyo Qadhaadh, Ilaa Maantana Ay Labadooda Guri Isku Xigaan
August 23, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Muuse Biixi Muxuu Ku Doorsaday Mulkiilaha Wargeyska Haatuf Oo Ay Soo Wada Mareen Xiliyo Qadhaadh, Ilaa Maantana Ay Labadooda Guri Isku Xigaan

 

 

W/Q: Mujaahid Cali Cismaan (Cali Xaraaro)

New Picture

Murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Ayaa la sheegey inuu ka mid noqdey Kuwa markhaatiga u ah wiilka awooda Badan Baashe Cawil oo Ah cida bixiyey Amarka uu ku xayiran yahay wargeyska Haatuf, oo muddo sedex sanadood ku Dhow albaabadu u xidhan yihiin, Waxa la yaab leh Muuse Biixi intii aanu Noqon murashaxa xisbiga Kulmiye, Kumuu jirin lamana maqal inuu ka mid Yahay markhaatiyada Baashe Cawil, Waxayse sheekadu soo baxday intii Qoyska degen qasriga madaxtooyadu Ka dhigeen murashaxa xisbiga Kulmiye.

BaasheMuuseBiixi

Muuse Biixi iyo mulkiilaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe waxay Soo wada mareen xiliyo qadhaadh iyo Halgenkii ururka SNM, Intaas ka dibna Sidii dalka loogu soo noqdey iyo ilaa Maanta waxay degen yihiin laba guri oo Isku xiga oo waa jiiraan, Dhanka kale Yuusuf Cabdi iyo Muuse Biixi waa laba nin oo isku dhow xaga Qabiilka, waxase waxaas oo dhan Meesha Ka saaray rabitaanka qoyska Degen qasriga madaxtooyada oo ah sidaa Muuse Biixi habeen iyo dharaar uugu Mashquul sanyahay raali gelinta iyo Ururinta Farxada qoyska degen Madaxtooyada, taasoo u muuqata iney Jiraan shuruudu lagu xidhay Muuse Biixi Inuu fuliyo welise aanay fari ka qodneyn.

Rag u tegey Muuse Biixi uuna socdey Inuu wax kala qabto arimo kaga xidhan Xaga m/tooyada waxay sheegeen inuu Muuse Biixi ku yidhi iskama galo Waxaanu Baashe Cawil ama raali ka Ahayn, taasina waxay ku cadeyneysaa Muuse Biixi inuu rumeysan yahay qofka Qudha ee Kursiga saari karaa inuu Yahay Baashe Cawil, Halka Cabdiraxmaan Cirona ka aamin Sanyahay inaanu cid isku xidhin ilaahey Mooyaane.

Guntii iyo gebegedii Guul wadaynta Muuse Biixi xataa waxay Saameyn ku yeelatay kuwa isaga Taageera oo waxaad arkaysaa iyagoo Hoos wax uuga sheegaya xukuumada Axmed Siilaanyo iyo wixii la hal maala Hadana ku odhanaya kor u qaadi kari Mayno oo Muuse ayey wax yeeleysaa oo waxa nacaya qoyska ama Baashe Cawil.

Waxaan ku soo xidhayaa qoraalka.

“Nin habraday hal door kiisa

Waa lagu hamoodaa.”

Sidaa waxa yidhi ala ha u naxariistee  Abwaankii Cilmi Carab.

Ala ha u naxariistii abwaan Gaariyana waakii yidhi;

Sebenkii xumaadaba

Ragbaa Sahayda naanayse,

Kuwa siinka bawdada mardsaday

Way ii sejelen yiin.

 

W/Q: Mujaahid Cali Cismaan (Cali Xaraaro)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews