berberatoday.com
Cali Gurey Oo Hadalo Adag Kaga Hadlay Qaban Qaabada Aaska Cali Samatar Iyo Kalmado Adag Oo Uu Reer Xamarka Hawada U Mariyey
August 24, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Cali Gurey Oo Hadalo Adag Kaga Hadlay Qaban Qaabada Aaska Cali Samatar Iyo Kalmado Adag Oo Uu Reer Xamarka Hawada U Mariyey

Cali Gurey oo Qoraalkiisa ku baahiyey Bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku bilaabay sidan.” ANAGAA KU DIRINOO

DURBA DIIR U GELINOO
DUNI KALE ABUURNEE
DHISNAY DAARIHII DUMAY
IYO QAAR KA SII DARAN
Saamaxnaakum Marxuun Maxamed Cali Samater. Wuxu geystay Allahiisa ayuu la hor tegay shar iyo khayr oo kala xisaabtami doona.
Somalia aas qaran ha u samayso sanad walbana xus ha u qabato ninkii BBCda ka qirtay ee yidhi “aniga ayaa bixiyay in maalin kasta maatada iyo maxasts Hargaysa 500 oo isugu jiray madaafiicda goobta ee kala duwan iyo hoobiyaha nooc kasta uu yahay iyo weliba Rocketka darandooriya BM21ka cirkana laga garaaco”.

Hubkaa dadkii lala beegsaday ee ku dhintay 97% waxay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsanin. Kuwa taa ku faraxsan ee ku karaamaynaya waxan leeyahay yeelkiin mar hadii aan iCalankaa buluukiga ah dib looga taagi doonin bartii markii ugu horaysay laga taagay isaga oo xor ah. Karis xunna iyadaa wax ku la’.
Hargaysi maanta ayay ka wayntahay oo ka qurux badan tahay. Hargaysi nin jecel iyo nin neceb way tarantay oo intii ku dhimatay Ilaahay baa u cawilay oo waxa ku nool intii ku noolayd laban laabkeed iyo sedex laabkeeda. Xunyahow xunku dhalay dib looguma odhan oo dhegahoodu may maqlin laga bilaabo 31kii May 1988kii maalintii ciidankii SNM uu xabadda ka bilaabay Taliskii Qaybta 26 aad ee Ciidankii Dawladii Siyaad Barre. Markaa fariinta aan Muqdisho anigu u dirayaa hadal iyo dhamaantii Maydka Cali Samater idiin kuu idiin yaal ama aas qaran ku aasa ama cuna hadaa doontaan anaga nooma yaal balse keliya waxan idin xasuusin lahaa haday digasho idinka tahay GUUSHA LAGUMA DIGTO anagu waanu ka guulaysanay Cali Samater wax aanu u haysanaana ma jiro Ilaahay ha u naxariisto ayaan leeyahay. Ilaahayna wuxu yidhi subxaanuhu wa tacaalaa ” WALLAAHU YAXKUMO BEYNA CIBAADIHII FIIMAA KAANUU FIIHI YAKHTALIFOON” . ayuu hadalkiisa ku xidhay Gudoomiye ku xigeenkii sadexaad ee xisbiga Ucid

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews