berberatoday.com
Daawo, “CIDDA SHAKIGA QABTAA SHACABKA MA AHA EE WAA SIYAASIGA KOLNA CARARAYA KOLNA DHUUMANAYA’E…..” PROF: MAXAMED S. GEES+VIDEO IYO SAWIRRO KALE OO BADAN KA BOGO
August 24, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com):- Prof: Maxamed Siciid Gees, ayaa sheegay in mawqifka Shacabka Somaliland cad yahay tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni-isu-taaggeeda 18 May 1991-kii, balse Cidda Shakisani tahay Siyaasiyiin kolba dhinac u carara oo Somaliland iyo Soomaaliya u kala dab-qaadaya, mararka qaarna is-qariya oo dhuumasho ku jira.

Waxa uu Prof: Gees saadaaliyey natiijada ka soo bixi karta wadahadallada ku dhawaad labada sano hakadka ku jiray ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay mid go’aanka u dambeeya ee ka soo bixi karaa noqon karo in Bulshada talada laga qaybgeliyo oo Shacabka Afti laga qaadayo.

Prof: Maxamed Siciid Gees waxa uu sidaa ku sheegay Hadal uu Salaasadii shalay  ka jeediyey Munaasibad lagu soo bandhigay Saxeexa Dad ka badan Hal Milyan iyo Labaatan Kun oo Qof oo Reer Somaliland ah, kuwaasoo Bulshada Caalamka ka codsanaya inay Somaliland gooni-isu-taaggeeda Aqoonsadaan, taasoo lagu qabtay magaalada Hargeysa, isla markaana  Madaxweynaha iyo Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kala duwani ka qaybgaleen.

Prof: Maxamed Siciid Gees oo hore Xilal kala duwan oo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ku jiro uga soo qabtay Xukuumadihii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin-ba, waxaannu Hadalka uu Munaasibaddaas ka jeediyey   idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

DSC_0154

Xigasho: Aftahannews

1
2
3
4

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews