berberatoday.com
Madaxweyne-SIILAANYO Oo Ka Dalbaday Caalamka Inay Dhegaystaan Garnaqsiga Somaliland
August 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Huteelka Maansoor kaga qeyb galay Munaasibad lagu soo bandhigay qoraal dalab ah (Petition Letter) ay Saxeexeen hal milyan iyo kow iyo Labaatan kun oo qof (1.021.000) oo muwaadiniin reer Somaliland ahi, kuwaasoo beesha caalamka ka dalbanaya inay aqoonsadaan jiritaanka Somaliland.

Qoraalkan garnaqsiga iyo dalabka ah oo diyaarintiisu qaadatay muddo afar bilood ah oo kaasoo bilaabmay 29/042016 – 09/08/2016 oo ku kala sugan dhammaan gobollada dalka Somaliland min Bari ilaa Galbeed, iyagoo saxeexayaasha marka hore loo akhriyayey, sharaxna laga siinayey macnaha cabashada (Petition) oo ka mida hababka dareen muujinta loo cabbiro, tanina ay tahay mid loogu cabanayo beesha caalamku inay Ictiraafto Somaliland, lagagana cabanayo siday beesha caalamku uga dib dhacday xaqiijinta rasmi uga mid noqoshada Somaliland ee golayaasha caalamka, uguna horeeyo golaha guud ee qaramada midoobay (UNO)

Cabashadani waxay daba socotay codsiyo hore oo ay bulshadda reer Somaliland siyaabo kala duwan ugu muujiyeen saluuggii ay ka qaadeen midnimadii Soomaaliya ee 1-dii July, 1960-kii kuwaasoo isugu jiray diidmo dastuur, inqilaab samayn, mudaharaadyo illaa laga soo gaadho kacdoonkii dhagaxtuurka, loogana gudbo halgan hubaysan oo shacbi ilaa iyo la soo noqoshadii iyo dibu-xorayntii dalka ee 1991-kii, taasoo 2001 la raaciyey afti guud oo laga qaaday shacbiga Somaliland, halkaasoo ay caddeeyeen shacbiga Somaliland inay rabaan 97.7% la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliand, waxana ugu dambaysay bayaankan ay saxeexeen hal milyan iyo kow iyo labaatanka kun ee qof, (1.021.000) kuwaasoo si cad ugaga cabanaya beesha caalamka inay la raageen aqoonsiga Somaliland, kana dalbanayaan imika inay siiyaan Somaliland aqoonsi dublamaasiyadeed oo ay kaga mid noqoto qarramadda adduunka ee madaxa-banaan.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad dheer ka jeediyay madashaasi, ayaa si mug leh uga hadlay xaqa uu dalkiisu u leeyahay in la aqoonsado maadaama oo uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa dal madax-banaan oo dhan. Waxa kale oo uu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu waxtar togan u soo kordhinayo nabad-gelyadda geeska afrika iyo guud ahaanba caalamka. khudbadii madaxweyne Siilaanyo oo dhammaystirani waxay u qornayd:-

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan maanta ka soo qayb-galo munaasibaddan lagu soo ban-dhigayo dareenka runta ah iyo qoraallada codsiga ah ee laga soo ururiyey qaybo ka mid ah Bulshada ku dhaqan gobollada kala duwan ee Somaliland.

Waxaan jecelahay inaan halkan uga mahad-celiyo dhammaan muwaadiniinta muujiyey dareenkooda ku aaddan sida ay u aaminsan-yihiin madax-banaanida dalkooda.

 

Mar labaad, waxaan ku bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee uu hor-muudka ka yahay Dr. Sacad Cali Shire iyo dhallinyaradii kala shaqaysay barnaamijkan qiimaha badan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,Dareenkan muwaadiniintu wuxuu ka markhaati kacayaa rabitaanka runta ah ee shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo uu caddaynayaa, himillada iyo hal adayga ay Ummadda Somaliland u leedahay ka-midho-dhalinta mabaadii’da ay aaminsan-yihiin iyo ilaalinta madax-bannaanida dalkooda hooyo, kuwaasoo aan la yaraysan karin, lana is-diid-siin karin ama dhagaha laga furaysan karin.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan u caddaynayaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-

 

  1. Somaliland waa waddan leh taariikh dheer oo soo jiray ilaa 1887, isla markaana leh, xuduudo caalamiya oo la aqoonsan yahay, kana mid ahaa maxmiyadihii Ingiriiska.
  2. Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii July dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.
  3. Somaliland waa waddan isagoo xor ah, waddan kale oo xor ah ku biiray, maaha markii ugu horreysay oo laba waddan oo Qaaradda Africa ka mid ahi isku darsadeen, haddana kala noqdeen.
  • Masar iyo Suuriya, waxay isku darsadeen 1958, waxay kala noqdeen 1961-kii.
  • French Sudan iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1960-kii, waxay kala noqdeen 1960-kii.
  • Gambia iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1981-kii, waxay kala noqdeen 1989.
  1. Shacbi-waynaha Somaliland waxay si cad 53% ku diideen June, 1961-kii aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.
  2. Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.
  3. Somaliland rubuc qarnigii u dambeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.

Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

 

  1. Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco, go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.
  2. Maaha markii u horreysay ee Dadka Somaliland dareenkooda iyo rabitaankooda muujiyaan, Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa 97.7% ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qadiyadda Gooni-isu-taaga dalka.
  3. Somaliland waa dal buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa wadan madax-bannaan.

Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay.

Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland, waxaanan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan xaqa sharci iyo ka bini’aadannimo ee Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan.

Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabad-galyada, deganaanshaha, geedi-socodka dimuqraadiyada, ganacsiga iyo horumarka Geeska Africa iyo ka caalamka intaba.

Ugu dambayn, waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ugu baaqayaa gudo iyo dibed meel kasta oo ay joogaan:

  • in ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta qarannimadooda iyo qadiyaddooda.
  • in ay rabitaankooda ku muujiyaan cod dheer iyo cudud midaysan.

Sidoo kalena, Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in codsigii shacabka Somaliland laga soo ururiyay in ay halkaasi ku soo bandhigayaan, waxaanu tilmaamay in aanu cod ururintani ahayn afti, balse uu yahay mid ku salaysan in bulshadu ay soo bandhigaan raali mak tihiin aqoonsiga iyo gooni isku taaga Somaliland.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Munaasibadan waxaa lagu soo bandhigayaa natiijadii codsiga reer Somaliland. Waxaanan u mahad celinayaa shaqaalihii wasaarada arrimaha dibada iyo dadkii ka qayb galay codsigan. codsiganina afti ma aha ee waa codsi, waxaanu ku salaysan yahay waxaas raali ma ka tahay, haa iyo maya.

Codsigan dadku soo saxeexeen waxaa ku yaala waxa aanu taageeraynaa aqoonsiga Somaliland u jeedada codsigana waxa weeye in dadku dareenkooda iyo shucuubtooda ay ku muujiyaan. Halka ay ka taagan yihiin aqoonsiga Somaliland waa fariin dadka reer Somaliland caalamka u dirayaan oo ku leeyahay aqoonsiga iyo gooni isku taaga Somaliland ma aha wax yar oo in yar oo siyaasiyiin ahi ay wadato”.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, oo munaasibadaasi ka hadlay waxa uu carabka ku adkeeyay in qadiyada Somaliland tahay mid gaamurtay, isla markaana shacbigu ku faro adaygeen madax banaanidooda.

“Qadiyada Somaliland waa mid gaamurtay oo aynu xejisanay dawladnimadeena iyo qaronimadeena. Iyadoo ay duruufo badani inagu soo mareen oo aynu ka soo gudubnay, inagoo isku tashanay. Markaa hay’ada gar-soorku qayb ayay ka tahay ictiraafka Somaliland waayo hay’ada hubisa in muwaadiniintu helaan cadaalad sinaansho, waana waax u muhiim ah marka aynu doonayno in aynu caalamka ku biirno oo ay eegayaan”ayuu yidhi guddoomiyaha maxkmadda sare.

Sidoo waxaa sina xafladaasi ka hadlay Ambassador Xuseen Cali Ducaale Cawil, waxaanu sheegay in dawladnimadu ay tahay wax qiimo badan, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in laga feejignaado wixii dhaawacaya dawladnimada.

Waxaanu yidhi “Taariikhdu waa xabagta ummadda isku xidha, waana in umadduhu ogaadaan wixii ay soo mareen oo la isku sheego wixii la soo maray. Waxaanay keenaysaa in laga koro siyaasad maal-meedka agteena taala, wax la helo aduunka waxa ugu qiimo badan dawladnimo oo ummad waliba halgan u gasho, oo naf iyo maalba u hurto in ay dawladnimo hantiyaan. Isku sheegi mayno jidka dheer ee aynu soo marnay ee dhibta badnaa ee burbur iyo dhimashaba intaba lahaa ee aynu maanta ku helnay dawladnimadeenan quruxda badan, waana in marwalba ogaano in lixdankii aynu qalad weyn galnay oo aan maanta iska ilaalino, wax allaale wixii dawladnimadeena dhaawac u gaysanaya”.

Dr.Edna Aadan Ismaaciil, oo ka mid ahayd dadkii madashaasi ka hadlay ayaa si weyn uga hadashay in beesha caalamka markhaati ka haayeen aftidii laga qaaday dadweynaha reer Somaliland, isla markaana ay iska indha tireen gooni isku taaga Somaliland.

Dr. Edna oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Aqoonsiga Somaliland waa hawl inoo wada taala. Afti ayaynu ka qaadnay dadkeena aduunkuna markhaati ayuu ka ahaa, waana nala joogay geed hoostii lamaynu gelin ee qaranka oo dhan ayaa laga codeeyay. Aduunku waxa uu gartay in uu ska dhago tiro codsigan umaddeena laga qaaday ee ay saxeexeen, tani waxay xoojinaysaa aftidii hore, waana talaabo aan aad ugu farxay loona baahnaa”.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Siyaasiga Prof. Maxamed Siciid Gees, waxaanu tilmaamay in gooni isu -taaga Somaliland ay ka danbeeyeen dadweynaha reer Somaliland.Waxaanu yidhi “Somaliland ninkii diidi jiray daniba way keeni, dadweynaha Somaliland mar walba may qaldanan gooni isku taagana waxa ka danbeeyay dadweynaha. Aftidii dastuurkana dadweynaha ayaa ka danbeeyay, codsigana dadweynaha reer Somaliland ayaa diraya, cida shakiga qabtaa waa siyaasiga marna Xamar ku carara marna Hagaysa ku soo cararaya.

Prof. Gees, waxa kale oo uu ka hadlay wada hadaladda u socda Somaliland iyo Soomaaliya. “Markaa wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya marka ay dhamaadaan waxaa la odhanayaa dadweynaha Somaliland hala waydiiyo in ay ka go’ayaan Soomaaliya, dad baana u haysta in koox yar oo siyaasiyiin ahi ay wadato gooni isu-taaga Somaliland ee aanay ahayn rabitaan dadwayne. Markaa waxa iska fiican in qalad koodaa ku jiraan” ayuu yidhi Prof. Gees.

Geesta kale, masuuliyiintii iyo shaqaalihii ka soo shaqeeyay barnaamijkaasi waxaa ay gebagabadii halkaasi shahaadooyin ku gudoonsiiiyay madaxweynaha.

Madaxweyne Siilaanyo

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews