berberatoday.com
Wasiirka Cusub Ee Duulista Hawada Somaliland Oo Xilkii La Wareegay Iyo Khudbadihii Madasha Laga Jeediyay
August 24, 2016 - Written by Berbera Today

duulista 1Hargaysa(Berberatoday.com)-Muanaasibad balaadhan oo xilka lagula Kala wareegayey Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka ayaa lagu qabtay Royal Hotel ee Magaalada Hargaysa, Munaasimadan ayaa waxaa ka soo qaygalay xubno ka socda Golaha Wasiirada ,Sulaadiin, Cuqaal ,Aqoonyahano, Dadweyane aad u badan iyo Masuuliyiin kale waxaa madashaasi ka hadlay Wasiirka Cusub ee Wasaarada Ganacsiga Cumar Shacayab,Wasiir Ku Xigeenak Wasaarada Biyaha Mahad Cismaan,Wasiirka Wasaarada Warshadaha Shacayab,Wasiirka Cadaalada Axmed Faarx (Cadare),Wasiirka beeraha Dr Maxamed Daahir, Wasiiru Dawlaha Duulista Axmed Nuur Faahiye,Wasiirka Xanaanada Xoolaha C/laahi Maxamed Daahir, ,Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport, Maxamed Yuusuf, Maxamed Shukri Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Oday Aadan Xujaale.

Waxa ay Masuuliyiintani ku dheeraden wax qabadka uu muujiyey Wasiirkii hore ee Wasaarada Duulistu Cumar Sh Maxamed oo ay amaan u soo jeediyen, sidoo kale waxa ay xuseen kartida iyo dadaalka Wasiirka cusub ee Wasaarada Duulista Farxaan Aadan oo ay ku tilmaamen mid wax badan ku soo kordhin kara Wasaaradaasi, waxa ay intaas ku dareen in Wasiir ku Xigeenka cusub ee Duulistu Guuleed Maxamed uu isna yahay shiqsi aqoon u leh shaqada Wasaarada Duulista oo hanan kara.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar C/laahi Aadan oo goobtaasi ka jeediyey hadal uu ku sabootiyaayo Wasiirkii hore, kuna soo dhaweynaayo Wasiirka Cusub aya waxa uu yidhi: “ Waxaan Doonayaa in aan sii sabootino Wasiirkayagii hore ee Wasaarada Duulista Cumar Sh Maxamed Faarax, oo runtii ahaa Wasiir Sal balaadhan Wasiir bulshada Somaliland qiimo ku leh, Taariikh wanaagasan Dalkan ku leh, runtii intii uu nala joogayna si fiican noola shaqeeyay, Wasiirkaa runtii agaasime ahaan wax badana yaa ka bartay oo ay ka mid tahay dulqaadka, oo ay ka mid tahay Dad isku wadka iyo in uu ahaa Wasiir Bulshada Reer Somaliland oo dhami u siman tahay, aad iyo aad ayaan runtii halkan uga bogaadinayaa;”

Agaasime Cumar isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“ mar labaadka waxaan soo dhaweynayaa Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka loo magcaabay Farxaan Aadan Haybe oo ah runtii Nin Dhalin yaro ah, waxaan leeyahay Wasiir soo dhawoow, Wasaaradani waa Wasaarad Dhalin yar u badan, runtii waxaan jecelahay in aad nala jaan qaadi doont,”

Agaasimahu waxa uu u mahad celiyey Dadkii Dhulka Madaarada Hargaysa, Berbera, iyo Burco loo Xayandaabay ka guuray ee ugu deeqay Wasaarada Duulista, isaga oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:“ waxaan aad ugu mahad naqayaa Dadkii lahaa Dhulka Sadexda Garoon ee Burco, Berbera, iyo Hargaysa loo Xayandaabay ee Wasaarada ugu tabarucay Dhulkoodaas, waxaan mahada gaar ah siinayaa Dadkii Reer Hargaysa oo Dhulka ay ka tageen qiimihiisu aad u sareeya ku fadhiyay, Dadkaa Xoog laguma rarin, looma cago juglayan , waxa ay kaga guureen Dhulka Isfahan na dhex maray iyo iyaga oo lexa jeclo kale Dalkan ayay Wasaarada Dhulkaa uga guureen, wixii Hanti ma guurto ah kaga jiray Dhulkaas waa loo celiyey, Dhulkiina Dhul badal ayaa la siiyey, waxa jira dad had iyo jeer doonaya gobonimada Dadkaas Deegaanku ay sameeyen, in ay ka dhigaan Dad la jujuubay oo xoog lagu qasbay, waxaanu leenahay gobonimadaas ay Dadkaasi sameeyeen maaha gobonimo la qarin karayo, waa mid Taariikhda u gashay, waxaanay ku timi Dadka intaa le’eg lama muquunin karee, is fahan iyaga iyo Dawladooda u dhaxeeya, lamana kala cabanayo , Wasaarada Duulista iyo Madaarada ay Xukunto iyo Dadka ag degani in ay yihiin Dad Saaxiib ah, isku dhaw iskaashada Amniga ka wada shaqeeya cidna aanay soo dhex gali karayan.”

Wasiirkii hore ee Duulista Cumar Sh Maxamed Faarax oo hada ah Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada aya amaan u jeediyey Shaqaleweynaha Wasaarada Duulista, sidoo aklena Wasiir Farxaan ku tilmaamay Nin ka soo bixi kara Xilka uu ku Wareejiyey, waxanu yidhi:-“waxaan aad ugu mahad naqayaa Shaqaalaha Wasaarada Duulista oo hanan kara shaqada ay hayaan, oo runtii si fiican iila shaqeeyay mudadii aan xilka hayey,Wasiir Faraxaana waan ku kalsoonahay in uuka soo baxaayo xilka uu igala wareegay, wanaan la shaqynaya wixii uu iiga baahdo halkii aan doonayey in aan gaadho, waxaan rajaynayaa in uu gaadho.”

Ugu danbayantii Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista Farxaan Aadan Haybe oo Munaasibadan uu Xilka Kula Wareegayey soo gunaanaday ayaa sheegay in uu Xilkaa sifiican u gudan doono, isaga arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:- “ waxaan leeyahay Sharaf weyan ayey ii tahay in aan halkan isa soo taago Maanta waa Maalin Taariikhi ah, aniga oo ah Wasiirka Wasaarada Duulista, runtii waxaan ogahay oo aan garwaaqsanayaa, in waxa na sugayaa aanu hadal ahayane uu yahay shaqo, hami fog, toosin, iyo tayayan adeega ay qabato Wasaaradu oo u badan Madaarada, waxa aan hubaa inta aqoonta ilahay iga siiyay iyo waayo aragnimadayda, iyo anagoo ilahay la kaashanayna garab galkiisa iyo dabcan wada shaqayanta shaqaalaha iyo Wasiirada iga hooseeya in aanu hubno in aanu gaadhsiin doono meel ka fog halka Ragii naga horeeyay soo gaadhsiiyen.”

duulista3 duulista6 duul,ista

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews