Dawlad Shacabka Muslimka Ka Joojisay Xidhashada Dharka Asturan Ee Haweenku Xidhaan
August 25, 2016 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Dawlada Faransiiska ayaa Joojisay In dumarka muslimka ahi ku dabaashaan Dhar Asturan.
Booliiska Faransiiska ayaa xeebta Nice dharka kaga saaray haweenay Muslim ah oo xeebtaasi u tagtay inay ku dabaalato kadibna cashuuray.
Dawlada Faransiisku, waxaa ay sheegtay in dharka asturan ee dumarka muslimka ahi xidhaan ay ka hor imanayo dhaqamada shacabka dalkaas oo ay sidaasi u joojisay.
Dawlada Faransiisku waxaa ay marar hore sidan oo kale isku dayday inay joojiso xijaabka ay xidhaan dumarka Muslimiinta ahi balse waxaa si wayn uga soo horjeestay Go’aamadaasi dadka muslimka ah ee ku nool dalkaas.