berberatoday.com
Faafinta DIINTA KIRISTAANKA Oo Meeshii Ugu Sareysay La Mareysa Soomaalida Iyo BAYBAL Loo Ekaysiiyey Kitaabka Qur’aanka Ah Oo Lagu Fidiyey Masaajiddada
August 25, 2016 - Written by Berbera Today

Sheekh ku Hawlan Fidinta Diinta Islaamka Oo Soo Bandhigay Baybal Af Soomaali Lagu Tarjumay, Loona Ekaysiiyey Kitaabka Qur’aanka Kariimka Iyo Digniintiisa

Capetown(Berberatoday.com)-Dadka Faafiya Diinta Kiristaanka, ayaa meel halis ah la maraya Dadka Soomaalida ah oo boqolkiiba boqol ah Muslimiin Sunni ah.

Wadaaddada Diinta Kiristaanka oo doonaya inay Diinta ay aaminsan yihiin ku faafiyaan Dadka Soomaalida ah isla-markaana hore u adeegsan jiray Idaacado ku hadla Afka Soomaaliga iyo Dhaqaale Dadka lagu soo jiito, ayaa dhawaan bilaabay inay Baybalka Diinta Kiristaanka u Tarjumaan Af-Soomaali, iyagoo u ekaysiiyey Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, si Dadka aan Aqoonta badan u lahayn Diinta Islaamku ugu dagmaan, laakiin Culimo arrintaa ka war-heshay ayaa Digniin u diray Shucuubta Soomaalida ee Daafaha Caalamka ku kala nool, waxayna ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan Baybalka loo egaysiiyey Kitaabka Qur’aanka oo xitaa Masaajiddada qaarkood la dhigay.

Sheekh Asad Maxamed Faarax oo ah Daaci ku hawlan Faafinta Diinta Islaamka isla-markaana ku nool Dalka Koonfur Afrika, ayaa Warbaahinta la iska Arko ee Internet-ka ku soo bandhigay Baybal Af-Soomaali ku quran, kaas oo uu sheegay in Kiritaanku ugu talo-galeen inay khaldan Soomaalida aan Aqoonta u lahayn Diintooda Islaamka.

“Buuggan waa BAYBAL loo tarjumay Afkeena Soomaaliga, laakiin waxa loo ekaysiiyey Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, Dadkeenu markay arkeen way soo dhaweeyeen oo way dhunkadeen, xitaa Kutubkii Masaajiddada yaalay ayay dhex geliyeen (Iyagoo Moodaya Qur’aankii), arrinkaasina Khalad buu innagu keenay, waxa gudihiisa ku yaallana xitaa Carruurtu kuma qanci karaan..” ayuu yidhi Sheekh Asad, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu leenahay Walaalayaal Baybalkan loo ekaysiiyey Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah meel walba wuu daadsan yahay ee waa inaynu ka digtoonaano.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay in Kiristaanku inay sameeyeen Kutub yaryar oo loo ekaysiiyey kuwa xaqa ah ee Diinta Islaamka ah, “Waxa kale oo ay soo saareen Kutub yaryar oo ay dusha kaga qoreen “CIISE Waa NEBIGII ILAAHAY”, laakiin gudihiisa wax kale ayaa ku qoran, markaa waxaanu leenahay Afkeena Hooyo yaan la innagu qaldin.”

Baybal Loo Ekaysiiyey Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah

Sheekhu waxa uu Dadweynaha Soomaalida u sharraxay waxay ku kala garan karaan Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee Af-Soomaaliga ah iyo Baybalka Afka Soomaaliga ah ee Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah loo ekaysiiyey, waxaanu yidhi “Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee Af Soomaaliga ah waxa dusha kaga yaalla “Tafsiirul Qur’aanu Kariim’, laakiin Baybalka Af-Soomaaliga ah waxa dusha kaga qoran oo aad ku garan kartaan “KITAABKA QUDUUSKA AH”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews