Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh Oo Ka Dayriyay Xaalada Siyaasadeed Ee Somaliya
August 25, 2016 - Written by Berbera Today
“Maanta Somaliya maalin ay ka liidato ma jirto dawladihii soo maray, dadkii u heelanaa way niyad jabeen”Pro Galeydh
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galeydh ayaa niyad jab ka muujiyay xaalada nabad galyo daro ee ay abuuri karaan doorashooyinka Somaliya ka dhacaya sanadkan.
Proffesor Cali Khaliif waxaa uu sheegay in doorashada Somaliya ee baarlamaanka iyo madaxweynuhu ay sababi karto xaalad siyaasadeed oo kacsan, dagaallana ka dhici karaan Muqdisho iyo Banaadir islamarkaana uu ka niyad jabsan yahay nidaamka dawlada Somaliya lagu Maamulo.