berberatoday.com
“Maayar, Waxaanu Garanaynaa Hantidaad Maanta Leedihiin Iyo Sidaad Ahaydeen Maalintaad Noo Timaaddeen 25-kiinu..”
August 25, 2016 - Written by Berbera Today

Maayarka Hargeysa Oo La Waydiiyey Su’aallo Fadhiga u diiday iyo Gar-naqsigiisa

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maayarka Caasimadda Hargeysa oo lagu Marti-qaaday Barnaamijka QANCI DADKAAGA ee Telefiishanka Madaxa-bannaan ee HCTV, ayaa Dadweynihii ka qayb-galay oo u badnaa dhallinyaro waxay waydiiyeen Su’aalihii ugu adkaa.

Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa Barnaamijkan oo muddo Labada Saacadood ka badan ka socday Huteelka Green Plaza, lagu waydiiyey Su’aalo la xidhiidha waxa Maamulka Dawladda Hoose ee uu Madaxda ka yahay ku qabtaan Dakhliga soo Gala iyo Su’aalo kale oo jawaabtoodu aad ugu adkayd Maayarka.

Maayarka Hargeysa

Barnaamijkan oo si ku meel-gaadh ah Telefiishanku u baahiyey, ayaa waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa dhowr ka mid ah Su’aalaha la waydiiyey Maayarka kuwaasi oo qaarkood Maayarka Fadhiga u diideen, waxayna kala yihiin sidan:-

  1. Maayar waxaad Maalintii Xafiiskaaga timaaddaa Wakhti Dambe, iyadoo ay Dad Cabanaya ama Shaqo Doon ahi Safaf ugu jiraan, waxa soo gala Xafiiskaaga Qof Masuul ah markaasaad hoosta ka xidhataa, Haddana  11-ka ayaa ka baxdaa, halkaa ayay Dadkaasi toban Maalmood ku gaadhaan (Yaad u shaqeysaa markaa) ?
  2. In Dhaqaale idin soo galo waxaanu ka garanaynaa sidaad ahaydeen Maalintaad noo timaaddeen iyo Hantidaad Maanta leedihiin iyo Gaadiidka aad wadataan 25-kiina xubnood ee Golaha Deegaanka, halkaas ayay nooga muuqataa Lacagta Hargeysa, sidaa daraadeed hana Caayinee waxaad noo sheegtaan Lacagta idin soo gashaa intay leeg tahay.?
  3. Waxaad noo sheegtaa Tirada Beeraha Hargeysa ee la qorsheeyay iyo Danta Guud ee laga jaray wixii lagu qabtay?
  4. Xeer Lr17 wuxuu sheegayaa in Muwaadin kasta oo ka weyn 18 jir inuu helo dhul uu dego oo Dawladda hoose siiso. Markaa si u yaraato ama ay meesha uga baxdo Mushkiladda ah inuu Dhulkii ka qaalisan yahay Gurigii, maxaa idinka hor-taagan inaad hawshaa fulisaan ama idiinka qorsheysan idinkoo dantuu guud ka jareysaan Beeraha ?

Ka sakow su’aalaha adag, waxa uu Maayarku ka cadhooday in Weriyaha oo Wakhtiga ilaalinayey joojiyo hadallo ammaan ah oo Gabadh Maayarka Su’aal waydiin lahayd hadalkeeda ku bilowday, taasina waxay keentay in Maayar Soltelko fadhiga ka kaco oo uu Masraxa kaga gar-naqsado, “Maaha in Weriyuhu yidhaahdo dhaliisha uun hala sheego, qofku hadduu wax sheegayo miyaanu xaq u lahayn, waxbuu Maayarku qabtay inuu yidhaahdo miyaanu Xaq u lahayn Qofku.” Ayuu yidhi, Maayarka oo ka dareen celinaya Weedhaha Ammaanta ah ee Weriyuhu ilaalinta Wakhtiga Awgeed u hakiyey.

Geesta kale, Maayar Soltelco ayaa khudbad uu ku bilaabay Barnaamijka lagu Casuumay wuxuu ku faanay, “Intii Dawlad Soomaaliyeed jirtay Qalabkii ugu ballaadhnaa ee Waddooyinka lagu sameeyo ayaanu keenay, Karagsharkiina wuxuu soo saaray Jaygii.” Ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews