Marxuum Cali Samatar Oo Reer Somaliland Gacan Kudhiigle Ugu Xukunaa Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Muqdisho
August 25, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(berberatoday.com)-Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar Allah u naxariistee ayaa aas Qaran Loogu sameeyay, dhismaha wasaaradda gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya.
Ka hor inta aan la aasin marxuumka ayaa madaxda iyo dadweynaha ay salaad Janaaso ah kula tukadeen xarunta wasaaradda difaaca halkaas oo marxuumka loogu duceeyay.
Waxaa ka qeyb galay aas marxuumka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, qaar kamid ah madaxweyneyaasha dowlad gobaleedyada ka dhisan dalka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.