berberatoday.com
Qorraa,Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo Maalintii Lixaad Hargeysa Ugu Xidhan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland H
August 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Qoraagii Iyo Abwaankii Iyo Waliba Macalinka Lagu Magacaabo Siciid Maxamuud Gahayr ayaa maalintii Lixaad Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargaysa ugu xidhan aragti uu qoraal ahaan ku soo bandhigay Musuq-maasuqa iyo kaddeedka ka jira Maddaarka Hargaysa iyo sida  loo dulmiyay dadkii dan-yarta ahaa ee deegaankaas Ku Noolaa Xilli Ay Wararku Sheegayaan In Dhulkaas Oo Hore Dan Guud Loogu Sheegay Ay Hada Xukumadu Ka Iibinayso Ganacsato Caan Ah.SICIID-MAXAMUUD-GAHAYR-HARGEYSAAWI(1).jpg
Siciid Maxamuud Gahayr waa  Barre wax ka dhiga Dugsiyadda sarre ee Hargaysa, Waa Halabuur, waana Qorraa iyo Cilmi-baadhe xeel-dheer oo wax badan soo bandhiga, waxaannu si dhiirran oo hufan shiishka u saarraa hadba dhaliisha iyo galdaloolooyinka ay Xukuumadda siilaanyo leeddahay iyo sida loogu tumanaayo shacabka dan-yarta ah.
Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu toddobaadkii hore ee inna dhaafay
qallinka u qaatay Dhaliilo door ah oo is-barkan Oo dul hogannaaya Madaarka Hargaysa, waxaannu daaha ka rogay gacanta uu ku leeyahay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo shirkaddo ganacsi u samaystay Hantida ummada danyarta ah iyo sida aannay jirin cid uga naxda hoosna u eegta Duruufaha Ku Gadaaman, waxaanna taasi keentay in Wasiir Maxamuud Xaashi uu ka gubto dhaliilahaa loo jeeddiyay, isla markaanna waxa uu amar ku bixiyay in  la xidho Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo hadda maalintii lixaad u xidhan Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

Waxaanu Wasiirku Ka Cadhooday Kadib Markii Siciid Maxamuud Gahayr Gudoonsiiyay Shahaadadan Hoos Ka Muuqatasiciid gahayr
Hab-dhaqanka Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa U Muuqda Mid bulshadda dib u xasuusinnayaa Xukunkii Kalitaliskaa Ahaa Ee  Maxamed Siyaad Barre ee Ku Salaysnaa  wax-ba ha arkin, wax-nna ha qorrin, hase yeeshee xadhiga iyoTacadiga Wasiir Maxamuud Xaashi  Cabdi Ayaa Mudooyinkii U Danbeeyey Noqday Mid Xadhkaha Goostay Isla Markaana Uu Wasiirku Qabatimay Inuu Cadaadis Saaro Cidii Sheegta Ama Ka Waranta Dhaliilihiisa.
Waxaanu Xadhiga Abwaan,Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr Kusoo Beegmayaa Xilli Ay Wararka Qaar Ay Sheegayeen In Sababta Lagu Badalay Wasiirki Hore Ee Wasarada Duulista Iyo Hawada Somliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax Ay Tahay Kadib Markii Uu Joojiyay Lacago Maxamuud Xaashi Ka Qaadan Jiray Wasaaradaas.

Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews