berberatoday.com
Taariikhda Dhulka Kashmiir Wax ka Ogow Halkaasoo Mudo Dheer Muslimiinta Ku Nool Ay Cadaadis Xoog leh Ay Kala Kulmayeen Dawlada Hindiya
August 25, 2016 - Written by Berbera Today

kashmiirQeybtii koowaad ee warbixintan waxaan ku hakiyey in Barwaaqda Allah siiyey Kaashmiir ay tahay mid dabiici ah isla markaana joogta ah. Qof kasta oo tagaana wuxuu ku dhawaaqaa Tani waa Jannadii Alleh ee dhulka. halkii ayaan kasii amba qaadayaa ee la socod wanaagsan.

Meelaha qaarkood xilliga jiilaalka qabowgu wuxuu gaaraa -30 soddon derejo oo sentigirayd ah ayuu eber ka hoos maraa . Xilliga xagaagana intaa in ka badan ayuu sare u kacaa kulaylku . Boqolkiiba toban waa kayn jiq ah. Webiyada hareerahooda waxaa ka baxa dhir laga sameeyo qalabka guryaha IWM. Waxaa kaloo ka baxa Khudaarta nooc walba waxaa kale oo laga beeraa Cudbiga, Bariiska, Qamadiga, digirta iyo waxyaabo kale oo muhiim ah. Kaashmiir waxaa ku yaal warshedo lagu habeeyo waxyaabaha dabiiciga sida Dunta, Lacagta Iyo Looxaanta. Magaalada Srinagar ee ay ka taliyaan Hinduugu waxaa ku taal warshed diyaarisa Xariirta iyo Suufka. Waxayna ka mid tahay warshadaha ugu waaweyn caalamka ee sameeya Xariirta.

Qaar ka mid ah Taariikhyahannadu waxay sheegeen in Sayidinaa Adam Calayhi Salaame uu ka dagay Kaashmiir maalin maalmaha ka mid ah!!!
Muslimiinta reer Kaashmiir waxaa lagu qiyaasay tiro dhan 12 Malyuun. Toddoba Malyuun waxay ku nool yihiin dhinaca Hinduugu gumaysto. Shan Malyuunna dhinaca xorta ah ee Pakistan. Waxayna Muslimiintu noqonayaan guud ahaan boqolkiiba shan iyo siddeetan. halka kuwa aamminsan Hinduugu ay yihiin boqolkiiba shan keliya.

Islaamku wuxuu gaaray Wilaayadda Kaashmiir dhamaadkii qarnigii koowaad ee taariikhda Hijrada. Qarnigii siddeedaad ee Hijradana waxaa Kaashmiir Amiir ka noqday Daacigii la oran jiray Belbel Shaah. Waxaana ay yeelatay boqortooyo xoog badan oo Islaam ah. iyadoo soo martay Wilaayaddu dhibaatooyin fara badan iyo weerarro joogta ah. Nasiib wanaag xilliyadaas Mslimiintu mar walba way guulaysan jireen. Illaa laga soo gaaray waqitigii gumaysigii Ingiriisku uu qabsady inta badan khaaradda Aasiya. Wuxuuna bilaabay siyaasaddii foosha xumayd ee uu kaga soo horjeeday Islaamka. Xilligaas oo ay dadku haysteen ilbaxnimo iyo horumar ballaaran. Waxayna kasbadeen in ay luqaddooda ku qoraan xuruuf Carabi ah qarniyaal badan ka hor.

Kontankii sannadood ee u dambeeyey iska horimaadyadii iyo halaaggii ka dhacay Kaashmiir waxaa loo sababaa shirqoolladii uu dhigay ingiriisku waqtigii uu gumaysanayey guud ahaan dhulkaas iyadoo Dadka u dhuun daloola arrimaha Kaashmiir ay ku sifeeyeen Falastiinta India.
Ururka raabidada Islaamka ayaa shirweynihii seddexaad ee mar sii horeysay lagu qabtay magaalada Makka Al Mukkarrama u soo jeediyey dhammaan Boqorrada iyo Madaxweynayaasha Muslimiinta in ay ka codsadaan Ururka Ummadaha Midoobay, in ay soo saaraan go’aan gaar ah oo xaq u siinaya Kaashmiir dhinaca hinduugu gumaysto in laga qaado Afti si aayahooda uga tashadaan. Cadawga hinduugu isagoo taa ka baqaya ayuu shacbiga reer Kaashmiir kala dagaallamay ku dhaqanka Islaamka iyo in ay ka hoos baxaan gumeysigiisa. wuxuu beddelay manhajkii tacliinta. Dhallinyarada waxaa loo soo bandhigay waxyaabo aad u xun xun. Waxaana lagu dhiirri geliyey in ay guursadaan Haweenka Hinduuga iyo inay khamriga u cabbaan si xad dhaaf ah.Muslimiintuna waxay sii adkeeyeen dagaalkoodii diiniga ahaa oo ay kula Jihaadayeen cadawga Hinduuga.

Ha’yadaha caalamiga ah ee hadla xuquuqda insaanku waxay sheegeen in xadgudubyada ka dhaca Kaashmiir aanay ka jirin Dunida inteeda kale waxaana jirta in Sannadkii 1981-kii la dilay Gudoomyahii Muslimiinta Kaashmiir Maxammed Faaruuq. Dad badan oo ka qayb galayey aaskii Shahiidka Hoggaamiyaha ahaa, ayey cadawgu ku fureen Rasaas aan loo aabba yeelin waxaana goobtaas ku geeriyoodey dad ka badan shan boqol oo Muslimiin ah.Sannadkii 1990-kii, bilo yar gudahood waxay dileen cadawga Hinduugu shan kun oo qof. Tiro intaa le’egna way dhaawceen. laba iyo toban kunna Xabsiga ayey u taxaabeen. Qaar kale oo badanna waxay u firxadeen waddamada jaarka ah oo ay qaxooti ku noqdeen. Sannadihii intaa ka dambeeyeyna waxay hay’aduhu caddeeyeen in ugu yaraan Shan iyo toddobaatan kun oo qof lagu dilay Kaashmiir, Tiro intaa ka badanna loo geystay dhaawac culus oo qaarkood ay ku curyaameen tiro seddexaad oo kalena xabsiga ciqaabta laga buux dhaafiyey. waxaa kaloo la sheegay in haween muslimiin ah oo ka badan laba iyo toban kun si Jamaaci ah ama wadaag ah loo kufsaday. Waxaa Dab la qabadsiiyey oo Dambaska laga dhigay in ka badan Afartan kun oo guri.

Kaashmiir waxaa ku sugan Ciidan lagu qiyaasay 750,000 oo Hindi ah. Oo la soo xulay si gaar ahna loo tababaray.Muslimiintu guud ahaan aqoon fiican uma laha wax badanna kalama socdaan waaqaca ka jira Kaashmiir. Waxaana sabab looga dhigay laba arrimood.

1 . Waddamada Carabta gaar ahaan kuwa Betroolka hodanka ku ah, waxa ay xiriir ganacsi iyo mid siyaasadeedba la leeyihiin Dawladda dhexe ee India ee fadhigeedu yahay magaalada New Delhi, Sawirka Kaashmiirna waxay ka qaataan dhinaca India oo keliya.

2 . Luqadda rasmiga ah ee Kaashmiir waa Urduu iyo Ingiriis Luqadda carabigana dad aad u yar baa ku hadla .
Sababahan iyo kuwa kale ayaa waxay ka dhigeen in Kaashmiir laga barto oo keliya Xayeysiiska dharka Quruxda badan ee laga sameeyey Xariirta dabiiciga ah ee ay dushooda ku qoran tahay “Pure Kashmir Wool” macnaheeduna tahay Suufkii Kaashmiir oo Saafi ah.

Hore waxaynu u soo sheegnay in Kaashmiir qaybta Hinduugu gumaysto ay ku yaallaan warshado caalami ah oo lagu sameeyo Xariirta iyo Lacagta .
Waxaan shaki ku jirin in cadawga Hinduugu oo kaalmo ka helaya dawlada India in ay dhaqaale badan ka helaan kheyraadka dabiiciga ah ee Kaashmiir Culimada iyo waxgaradku muslimiintana marna kama daalaan ku baraarugga iyo mitidnimada Islaamka.
Kaashmiir waxaa ku yaal dhawr boqol oo Masaajid iyo Macaahiddo iyo Xarumo kale oo diinta lagu barto. Waxaana ka jira in ka badan shan iyo toban Jabhadood iyo siddeed Axsaab siyaasi oo xor ah.

Fadlan walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

Qalinkii: Muxyadiin Cabdulahi Jaamac.

kashmiir kashmiir2

 
Abdulahi Nur Colombo's photo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews