berberatoday.com
Ujeedka Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Utageen Dalka Masar
August 25, 2016 - Written by Berbera Today

Maxaa iska Badalay Mawqifkii Dawlada Masar ka taagnayd Goni isu taaga Qaranimada Somaliland ee ay hore u sheegtay inay ka shaqeynayso Midnimada Somaliya?

Qaahira(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr, Sacad Cali Shire ayaa safar aan hore loo shaacin ku tagay dalka Masar.

Wasiirka arrimaha dibbada ayaa la sheegay inuu martiqaad ka helay dhigiisa dawlada Masar, isagoo la kulmi doona wasiirada kala ah, Arrimaha Dibadda , Ganacsiga iyo Warshadaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada  sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta ugu sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Sacad Cali Shire, waxaa ay masuuliyiintaasi ka wada hadli doonaan dhinacyada ganacsiga, warshadaha, caafimaadka, waxbarashada iyo siyaasada arrimaha dibbada maadaama uu la kulmi doono wasiirada arrimahaasi u qaabilsan dalka Masar.

 

Wefti uu hogaaminayo kaaliyaha wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan Dalka Masar oo bishii afraad ee sanadkan Somaliland ku yimid safar, oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha iyo wasiiro ka tirsan xukuummada ayaa markii ay dalka dib uga noqdeen sheegay in dawlada Masar ay taageersan tahay islamarkaana ka shaqeynayso Midowga Somaliland iyo Somaliya, Balse wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo warkaasi dawlada Masar kasoo baxay ka jawaabay ayaa sheegay inaanay ka fileyn dawlada Masar Hadalkaas ayna aad uga xunyihiin mawqifka ay ka taaganyihiin qaranimada Somaliland.

Waftiga ka socday Dalka Masar waxaa ay booqdeen maalmahaasi magaalada Berbera iyadoo la sheegay in dawlada Masar ay qorsheynayso Saldhig millateri oo ay ka dhisato Magaalada Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxaa safarkiisa ku weheliya  Danjiraha Somaliland u qaabilsan Yemen, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda  iyo Madaxa Qaybta Bariga.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews