berberatoday.com
Bilic Xumada Caasimada Hargeysa + Tamashlaynta Maayar Solteco Iyo Xaragada Xildhibaanadii Lasoo Doortay
August 26, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa Ayaa Noqotay Mid Guud Ahaanba Ay Saluug Xoogan Ka Muujiyaan Badiba Bulshada Ku Dhaqan Caasimadan Hargaysa Maadaama Ay Ku Mashquuleen Iibinta Iyo Cunista Dhulka Danta Guud Ee Umadu Wada Leedahay Waxaana Faro Madhnaan Laga Joogaa Horumarkii Ay Caasimadu Kula Tartami Lahayd Magaalooyinka Kale Ee Aduunka Gaar Ahaan Kuwa Geeska Afrika Oo Ahaa Mid Maamulka Dawlada Hoose U Xilsaaran Yahay.
Maayirka Casimada Hargeysa Cabdiraxmaan Macxamuud Caydiid “Solteco” Ayaa Isagu Noqday Mid Ku Xaragooda Xilkiisan Xanibay Horumarkii Iyo Tadawarkii Ay Caasimadu Kula Tartami Lahayd Magaalooyinka Kale Iyadoo Loo Doortay Inuu Golahan Hogaamiyo Bishii Afraad Ee Sanadkii 2013 Kadib Markii Uu Geeriyooday Maayirkii Ka Horeeyey Ee Golahaasi Doorteen Alle Ha U Naxariistee Marxuum Yuuusf Warasame Siciid.
Hadaba Maalmihii U Danbeeyey Aqoonyahano Reer Hargeysa Ah Ayaa Baraha Bulshada Kusoo Bandhigayay Mawduucyo Ku Saabsan Dhibaatada Reer Hargeysa Ka Haysata Golaha Deegaanka Oo Noqday Kuwo Fadhiid Ah Oo Ka Gaabiyay Hawlihii Bulshadu U Igmatay Hadaba Mid
Kamida Ah Aqoonayanada Ku Xeeldheer Arimahan Oo Lagu Magacaabo Wali Ahmed Aadan Ayaa Bartiisa Facebook Soo Dhigay Qoraalkan:-
“Caasimada Hargaysa aabeheed Eng yuusuf warsame siciid AUN wuu dhintay waxaanay noqotay agoon ay ka muuqato basaas.
Agoontaas waxa dumaalay inan yaroo ciyaala iskuul ah oo la yidhaa Cabdiraxmaan Soltelco, kaasoo caasimaddii agoonta ahayd ee silcaysay u soo qayilaad tagay. Waddo kasta iyo gidaar kasta oo hargaysa aad ka wareegtaba waxaad dareemaysaa inaad dhex socoto caasimad aabeheed goblamay oo 25 carruur ah u gacan gashay oo magaaladii naafeeyay” Wali Ahmed Aadan
Iyadoo Ay Hargeysi Tahay Caasimadii Dalka Ayaa Hadana Marka Aad Dhex Marayso Waxay Indhahaagu Qabanayaan Xashiish Tuulan Oo Meelwalba Yaala Iyadoo Waliba Si Gaar Ah Wufuuda Caalamiga Ah,Hay’adaha Iyo Waliba Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee KU Maqan Dalka Dibadiisu Marka Ay Dalka Kusoo Laabtaan Ay Anfariir Iyo Layaab Ku Noqoto Bilic Xumada Caasimadii Dalka Iyo Bacaha Iyo Qashinka Buux Dhaafiyaya Hareeraha Wadooyinka Burbursan Ee Magaalada. Sida Ka Muuqatada Sawirkan.
Wadooyinka Waawayn Ee Halbawlaha Iyo Faras Magaalada Ah Ayaa Iyaguna Ah Kuwa Burbursan Oo Ay Ka Muuqato Dildilaacyo Ay Sababtay Daryeel La,aan Ay Masuul Ka Yihiin Maamulka Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargeysa Sida Ka Muuqata Sawirka Hoose.
Dhinaca Bilicda Iyo Nadaafada Ee Hargeysa Oo Aad U Liidata Inkastoo Ay Jiraan Shirkado Ka Shaqeeya Oo Iyaguna Aan Si Joogto Ah U Nadiifin Waxa Ay Cameradaha Warbaahintu Qabteen Ciidankii Qaranka Somaliland Oo Hawshodu Tahay Difaaca Iyo Ilaalainta Xuduudaha Dalku Ay U Adkeysan Waayeen Dhibaatada Uu Qashinku Ku Hayo Caasimada Iyo Nadaafad Xumada Ay Dawlada Hoose U Horseeday Iyagoo Maalin Sii Horaysay Ay Bulshadu Ku Waa Bariisteen Ciidamdii Qaranka Oo Nadiifinaya Wadooyinka Waawayn Ee Hargeysa Iyadoo Arintaasi Muujinaysa Habacsanaanta Iyo Fadhiidnimada Masuuliyiinta Iyo Guud Ahaanba Xildhibaanada Shacabku Soo Doortay Ee Dawlada Hoose Ee Hargeysa Sida Ka Muuqata Sawirkan Hoose Ciidamada Qaranka Ayaa Xaadhaya Isla Markaana Nadiifinaya Wadooyinka Iyo Goobaha Waawayn Ee Hargeysa.
Berberatoday.com
COMMENTS
|