Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya Oo Xaqiijiyay In Malaayiin Doollar Laga Xaday Bangiga
August 26, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia, Dr. Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in Bangiga Dhexe laga xaday lacag dhan 5,30,000 oo Doollarka Mareykanka ah, sida ay maanta baahisay Warbaahinga Dowladda Federaalka Somalia.
Dr. Bashiir ayaa intaa ku daray inuu falkaas ka dambeeyay mid ka mida Qasnajiyada Bangiga dhexe ee Soomaaliya, kaasoo muddo bil ah soo dhigayay lacago been abuur ah, Dabeedna kala baxayay middii rasmiga ah ee halkaasi taalla,wuxuuna intaa raaciyay inuu shaqsigan baxsaday laguna raad-jooga,