berberatoday.com
MUCJISO: Wiil Leh Laba Madax Iyo Laba Wadne, Laakiin Xagga Hoose Ee Jidhka Qof Keliya Ka Ah Oo Ku Dhashay Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa
August 26, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Waxaa Sabtidii Toddobaadkan dhammaanaya ku dhashay laba Carruur ah oo isku Dheggan.

Carruurtan mucjisada ah ayaa waxaa ay  leeyihiin  laba madax, laba wadne, laba sambab, laba kalyood, laba mindhicir, balse waxaa ay  iskaga mid yihiin qaybta hoose ee jidhka oo ay ka yihiin  qof kaliya xagga sarena waxaa ay u  eeg-yihiin  laba qof oo isku dhegsan, maaddaama ay  leeyihiin laba madax oo kala duwan.

Dr. Cabdikaariin Cawaale Diiriye, oo gacanta ku haya Carruurta abuurtoodu Mucjisada tahay, ayaa sheegay in Carruurtan yar yari ay  caafimaad qabaan, “Maalmihii u horeysay xiddidka ayaanu wax kasiinaynay, si aanu u ogaano xaallada caafimaad ee gudaha, in ay  leeyihiin qaybaha kala duwan ee jidhka, imikana xaaladoodu way fiicantahay.”ayuu yidhi, Dhakhtarku

Xaallada labadan Carruur ah ee jidhka Hoose Qof keliya ka ah, Dushana labada Qof, oo Xaaladdooda Caafimaad wanaagsan tahay, ayaa waxaa ay mucjiso ku noqotay kooxdii qaliinka ku sameynaysay Hooyada dhashey, “ Waxay ahayd maalintii noogu naxdinta badnayd, laakiin waanu ku faraxnay markii aanu ku guuleysanay inaanu kala badbaadino hooyada iyo carruurtan mucjisada ah” ayuu yidhi Muuse oo ka mid ah kooxdii qaliinka sameynaysay.

Waalidka dhalley Caruurtan Mucjisada ah ayaa ILAAHAY ka sakow, u mahad celiyey dhammaan shaqaalaha Cisbitaalka Hargeysa ee u sameeyay gargaarka wanaagsan iyagoo shacabkana ka dalbaday inay caawimo, “Waxaan ku faraxsanahay oo aan u mahadcelinayaa Agaasimaha iyo dhakhaatiirka shaqadii ay noo qabteen, taageero iyo caawimo waanu uga baahanahay ummada muslimka ah si aanu ula tacaalno xaaladad Carruurta”ayuu yidhi Aabaha dhaley Labadan Carruurta ah ee jidhka intiisa hoose iskaga yaalla.

Mucjisada

Agaasimaha cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa Dr. Axmed Cabdi Askar ayaa sheegay in aan labadan Carruurta ee isku dhegsan qalliin lagu kala jari Karin, balse loo baahan yahay in la daryeelo xaaladooda caafimaad, isagoo xusay inay wargaliyeen dhakhaatiir joogta dalka Finland isla-markaana ay ka sugayaan Tallaooyinka ay ka siiyaan Carruurtan isku dhegsan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews