MUCJISO: Wiil Leh Laba Madax Iyo Laba Wadne, Laakiin Xagga Hoose Ee Jidhka Qof Keliya Ka Ah Oo Ku Dhashay Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa
August 26, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Waxaa Sabtidii Toddobaadkan dhammaanaya ku dhashay laba Carruur ah oo isku Dheggan.
Carruurtan mucjisada ah ayaa waxaa ay leeyihiin laba madax, laba wadne, laba sambab, laba kalyood, laba mindhicir, balse waxaa ay iskaga mid yihiin qaybta hoose ee jidhka oo ay ka yihiin qof kaliya xagga sarena waxaa ay u eeg-yihiin laba qof oo isku dhegsan, maaddaama ay leeyihiin laba madax oo kala duwan.
Dr. Cabdikaariin Cawaale Diiriye, oo gacanta ku haya Carruurta abuurtoodu Mucjisada tahay, ayaa sheegay in Carruurtan yar yari ay caafimaad qabaan, “Maalmihii u horeysay xiddidka ayaanu wax kasiinaynay, si aanu u ogaano xaallada caafimaad ee gudaha, in ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee jidhka, imikana xaaladoodu way fiicantahay.”ayuu yidhi, Dhakhtarku