berberatoday.com
Dad Kasoo Jeeda Qoomiyada Oromo Sida Daadka Usocota Oo Xadka Somaliland Soo Galay Iyo Laantii Socdaalka Wajaale Oo Seexday
August 26, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa,(Berberatoday.com)-Waxa dalka ku soo qul qulaaya dad wata caruur yar yar oo ka soo talaabaaya xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, kuwaasi oo ah kuwo dhaqale raadis ah iyo kuwo doonaaya in ay degaan magaalooyinka Somaliland siiba caasimada, dadkani waxa ay si sharci daro ah u soo galaan dalka mana jirto cid la socota xaaladooda iyo dhaq dhaqaaqooda, waxna ay culays xoogleh ku hayaan dadka iyo dalka reer Somaliland oo iyaga laftoodu dhaqaale ahaan aad u liita, dadkani oo an lahayn hoy ay galaan iyo adeegyo sax ah oo ay isticmaalaan, waxa ay dadkani seexdaan oo ay u hoydaan duleedka magaalada waxana ay subixii ku soo dreeraan suuqyada magaalada si ay uga dawarsadaan, waxa ay qaarkood caruurta gaystaan iskuulada bilaashka ah ee tayadoodu hoosayso ee Somaliland, kuwaasi oo aan qofkii galaaya aan lagu xidhin in uu muwadin yahay iyo in kale, taasi oo ay isticmaalayaan adeegii wax barasho ee dadka muwadiniinta ah loogu talo galay, waxa kale oo dadkan dalka ku soo qul qulayaan isticmaalaan adeega caafimadka siiba dhakhaatiirta sida ka weyn iyo ka TB-da lagu daaweeyo, kuwaasi oo culays badan saara adega caafimaadka ee dalka.

Shicibka rer Somaliland siiba caasimada ayaa walaac weyn ka qaba dadkani dalka roxon roxonta u soo galaaya ee ayna xukumaddu talaabo sharciga waafqsan ka qaadaynin, waxna meesha ka seexday wasaaradii arimaha gudaha iyo laantii socdaalka oo dhamaantood ka gaabiyay in ay dalka ka saaraan dadkan caruurtooda wata ee dalka sida sharci darada ah u soo degaaya oo mustaqbalka ku keeni kara dhaxal wareejin.

Dadka reer Somaliland marka ay u socdaalayan dalka Itoobiya waxa ay qaataan dal ku gal, waxana ay bixiyaan lacag iyada oo dadka qaarkoodba loo diido ayaa hadana waxa cajiib ah dadka Itoobiya xageeda ka imanaaya in aan wax dal ku gal ah aanay soo qaadan iyada oo ay Somaliland dalka Itoobiya ku leedahay xafiis bixiya dal ku galka.

Dhanka kalena waxa jira dad dhalinyaro xoogsato u badan oo dadkii reer Somaliland ka qaaday shaqooyinkii hoose oo dhan, waxna todobaadkani qaylo dhaan ka muujiyay ururka Raysilayaasha Somaliland oo sheegay in ay dalka soo galeen Timo jarayaal badan oo bilaa sharci dalka Rayslayal uga furtay oo shaqadii ka qaaday, arintaasi uun ma aha ee waxa ay shaqadii ka qaadeen kuuliyadii iyo meelo kaleba, iyada oo ayna xukumadda gaar ahaan wasaarada shaqada iyo laanta socdaalku arimahani waxba ka qaban, waxna laga cabsi qabaa in kacdoon shicib arimahani sababi doonaan hadii ayna xukumaddu dalka iyo dadkeeda ilaalinin.

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews