Dawladda Somaliya Oo Dawlada Turkiga U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah In Baasaaboorka Somaliland Lagu Tago Dalka Turkiga
August 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliya ayaa warqad diblomaasiyadeed oo dacwad ah u dirtay dawladda Turkiga, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda.
Ilo xogogogaala ayaa Geeska Afrika ugu waramay in wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Dr. Cabdisalaan Hadliye uu wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga u diray warqad uu ku dacweynayo Qunsulka Turkiga u jooga Hargeysa Danjire Muzaffer Yuksel, isagoo wasiir hadliye daba socda hadal uu qunsulku ku sheegay in qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa ay dal ku galka Turkiga ku bixin doonto Baasaaboorka Somaliland, iyadoo hore Baasaaboorka Somaliland dal ku galka Turkiga ku siisay Madaxweyne Siilaanyo.