berberatoday.com
“Milicsiga Warkii Ugu Hadal Haynta Badnaa Somaliland Todobadkii Tegay { Taliyihii Hore Ee Ciidamada Qaranka, Cismaan Dacas Oo Beesha Muuse Biixi Uga Cawday Beer Uu Guddoomiyaha KULMIYE 25 Sano Ka Hor Xoog Kaga Qaaday+Daawo Muuqal
August 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxsansheeg News )- Kulanti Wacan Oo Wanaagsan Mudanayaal Iyi Marwooyin Ku Soo Dhawaada Milicsiga Waxsansheeg News Iyo Warkii Todobadkii Tegay Ugu Xiisaha Badnaa Somaliland Ma Ogtahay Taliyihii hore ee ciidamada jamhuuriyadda Somaliland Jeneral Cismaan Dacas ayaa markii ugu horaysay ka hadlay beer uu sheegay inuu muddo 25 sano ka hor uu Muuse Biixi si xoog ah kaga qaaday kadib markii dalka la soo galay.

Image result for Muuse Biixi
Cismaan Dacas oo haatan waayeel ah ayaa sheegay inay beertiisu ku taalo deegaanka Darar Wayne ee waqooyiga Hargeysa waxaana uu sheegay inuu waligiiba lahaa oo ay reer Hargeysa oo dhami u garanayaan balse waxa uu xusay inuu Muuse Biixi beertaas ku qabsaday kadib markii dalka lagu soo laabtay isagoo aan ixtiraamin sharcigii uu haystay ee beertaasi khuseeyey, Taliyihi hore ee ciidanka qaranka ayaa sidoo kale sheegay inuu Muuse Af buuxa ugu sheegay inuu beertaasi qaab beelaysan uga qaaday maadama uu Cismaan Dacas ka soo jeedo gobolka Saraar ee bariga Somaliland, Cismaan Dacas oo xog waran ka bixiyey sidii uu beerta ku yeeshay halka ay sheekadu ka bilaabantay waxa uu yidhi:
“Markii aanu dawladdii Maxamed Siyaad is khilaafnay anigoo markaa shirkii London ee SNM lagaga dhawaaqay ka soo noqday shaqadii ciidamada ayaa debadda la iga dhigay markaa si aan shaqadii u daboolo beeraha ayaan ku jeestay, beertaas mashruucbuu ahaa waxaana la odhan jiray Hohoba ama Jojoba iyo dhirtii kale ee yucubtu ka mid ahayd anigoo halkaas maraya oo ay hawshuna si fiican iigu socotay ayaa waxaa ii yeedhay wasaaradii beeraha ee Somalia oo igu tidhi mashruucii aad waday waxaa xiisaynaya jaamacadda Carabta iyo Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa markaa haddii aanu wasaaraddii beeraha ee Somalia nahay beertii aynu wada yeelano oo adiguna nus yeelo anaga aanu nus yeelano sidaas ayaanu ku heshiinay, beertana asalki hore Ingiriis ayaa lahaan jiray oo Lo’da ku dhaqi jiray kadibna lo’dii way baaba’day wixii aan beertaas maalgalin ku sameeyeyna Dhukumantigan ayay kuwada qoran yihiin, beerii waxay noqotay beer iyadu is bixinaysa dabadeedna wixii khudrad ah iyo dhirta waaweyn ee faa’iidada leh ayaan isku dhex waday, qandaraas waxaa khudradda ku haystay nin Axmed la odhan jiray oo Gargaar hortiisa booshari ku haystay qabiilkiisuna ahaa reer Samater 15 oromo ahi way ka shaqaynayeen iyo 5 soomaali, beerta sidaas ayaan ku yeeshay, halkaas markay marayso waa kii dagaalkii ka dhacay hargeysa, dadkii Reer Hargeysa dhawr meelood ayay u qexeen wixii Woqooyi u qaxay beertaas ayay ku qaxeen oo ay saddex bilood joogeen halkaas ayay khudaarta iyo wax walba ka cunayeen markaa beertii wax badan ayaa soo gaadhay anigana markaas ayaa iigu dambaysay oo SNM-tii ayaan galay, markaa kadib anigu waxaan ahaa taliye kuxigeenkii ciidamadii Burco soo galay Xasan Kayd ayaan one noo ahaa anna ku xigeen ayaan ahaa halkaas waa tii lagaga dhawaaqay dawladdii Somaliland dabadeedna waxaa la soo dajiyey sharci odhanaya wixii 1991 sharci dhul haystay sidiisii ayuu ahaaynayaa oo waxba laga bedeli maayo. Markii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalloo doortay Madaxwayne ninka la yidhaahdo Muuse Biixi waa tii laga dhigay Wasiirka arrimaha gudaha halkaas ayaanu iska soo galay Muuse Biixi, wuxuu igu yidhi beertii annaga ayaa qaadanaya qaab qabiil ayaanu ku qaadanay seedigii ayaa isna sidoo kale igu yidhi beertii haddii aanad ka hadhin waanu ku dilaynaa”
Jeneraal Cismaan Dacas ayaa baaq u diray beesha Muuse Biixi inay uga soo celiyaan dhulkaas uu sida beelaysan uga haysto waxaana uu yidhi “waxan u dirayaa culimo awdiinka, golayaasha, oday dhaqameedka iyo salaadiinta ee uu Muuse Biixi ka soo jeedo iyo kuwa aan ka soo jeedo, waxaan ugu baaqayaa in beertaasi si sharci ah la iigu soo celiyo, maadaama uu Muuse maanta ka mid yahay ragga awoodii Somaliland ku baratamaya waxaa sharaf u ah aniga ii sharaf ah inuu beertaas ii soo celiyo xitaa haddii ay iibsanayaan ay si sharci ah u iibsadaan”.

Hoos Ka DAAWO Hadalkii Jeneral Cismaan Dacas oo dhamaystiran

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews