berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Gudoomiye Qabo Oo Shaaciyey Inuu 29 Arday Oo Togdheer U Galay Kaalmaha Hore 2016 U Helay Deeqo Waxbarasho
August 27, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin (Qabo), ayaa sheegay inuu 29 Arday oo uu gobolka Togdheer ku yeeshay Ardaydii Kaalmaha ugu sarreeya sannadkan 2016-ka ka gashay Imtixaanaadka Dugsiyada Sare iyo dhexe uu u helay Waxbarasho bilaa lacag ah oo Jaamacadaha u badan.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA TOGDHEER MAXAMED IBRAAHIN QABO 2016

Waxa uu Badhasaab Qabo sidaa ku sheegay Munaasibad lagu qabtay xalay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasadda-ba ka socday, waxaanu yidhi; “Tobankii Hablaha Burco ee gobolka Togdheer siddeed bay heleen oo labuun baa weheliya. Iskuullada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay-ba Somaliland oo dhan Afar baannu helnay oo lix uun baa na weheliya.”

“Guud ahaan kuwa gaarka ah iyo kuwa dowladda Ardayda ka baxday sannadkan marka la isu geeyo ee Dugsiyada sare iyo dugsiyada dhexe 29 baannu leenahay oo reer Togdheer ah, laba naga beddeshay marka lagu daro 31 baannu leenahay, Afartii Arday ee ugu sarreeyey dalka oo dhan Iskuullada dowladda iyo kuwa gaarka ah-ba 29 baannu leenahay 11 laba hore nooga bedesheen baa ku jira afartaa. Waa wax Illaahay lagu mahadiyo.” Sidaa ayuu yidhi Qabo.

Guddoomiye Qabo oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay; “Illaahay baa isugu kay hagaajiyey oo markii Imtixaanaadku soo dhawayeen, Dhalinyaro Macallimiin ah baa ii yimi, waxaan ka xasuustaa Xasan Formula iyo Xasan-Galaydh, waxay igu yidhaahdeen waxaannu doonaynaa Buug inaannu samayno aannu isleenahay meelaha Imtixaanaadku ka imanayo ku soo ururiya, waxaan idhi aniguna waan idinkula jiraa Buuggaas, waannu bilawnay waanannu dhammaynay Buuggaas aniga ayey iigu magac-dareen, waxay ku qoreen Berigaa Qabyo-tire la ima odhan jirin ee Qabo ayaa la I odhan jiray oo Guddoomiye Qabo ayey dusha kaga qoreen, Galinka dambe ayey Ardayda u dhigi jireen, Buuggaasina qayb buu ka yahay guusha.”

“Markaa, yididdiilo ayaa I gashay oo waxaan ballan-qaaday Xubnaha Tobanka ugu sarreeya ku soo baxa Waxbarasho Bilaa lacag ah oo Jaamacadeed, ismaan lahayn 29 baa soo baxaya ee shan illaa siddeed baan filayey, laakiin 29-kaas Arday-ba Waxbarasho Bilaash ah baan u hayaa ee ku bushaaraysta.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin (Qabo).

Geesta kale, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo Xafladdaas ka hadlay, ayaa Ardayda iyo Maamulka Dugsiga sare ee Sheekh Ibraahin oo ka mid ah kuwa dawladdu maamusho oo aan ku jirin Liisaskii Saxaafadda laga yeedhiyey Magacyada Ardayda Kaalmaha hore u gashay oo uu Dugsigaasi ka mid ahaa kuwii ugu ardayda sarreeyey.

“Iskuulkaa Sheekh Ibraahin ee magaalada Burco markii ugu dambaysay ee Imtixaanaadka la yeedhinayey ayay runtii intii aannu Warqadda daydayeynay Saxaafaddu dhibsatay oo ay ka kacday, waana sababta halkan (Burco) na keentay inaannu Xafladdan ka soo qaybgalno. Waxaanay Ardayda Sheekh Ibraahin ka xumaadeen warqaddaa naga daahday ee aanay yeedhinteedii Saxaafaddu naga duubin, waana uga tacsiyadaynaynaa Ardayda.” Sidaa ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews