berberatoday.com
Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr Oo Habeenkii 9-aad Xukun La’aan Ugu Xidhan Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan
August 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), ayaa Habeenkii Sigaalaad Xukun la’aan Saldhig ugu xidhan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo diiday inuu Muwaaddinkaas oo sidoo kale Macallin ka ah Dugsiga Sare ee Quulle Aadan Xorriyaddiisa u soo celiyo.

QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAY IYO WASIIR MAXAMUUD XAASHI

QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAY IYO WASIIR MAXAMUUD XAASHI

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa la sheegay inuu ku gacan-saydhay shalay Xubno Odayaal ah oo ka dalbadday inuu iska cafiyo Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo maalintii toddobaad sifo sharciga baal-marsan ugu xidhan Saldhiga dhexe ee Booliska ee magaalada Hargaysa.

Odayaashaas oo ay isku beel ka soo jeedaan Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr, ayaa Wasiirka Madaxtooyada ka codsadday inuu Xorriyaddiisa u soo celiyo Halabuur Siciid Gahayr, maaddaama oo aanu wax denbiya ka gelin Qaranka iyo isaga Wasiir ahaan toona, isla markaanna uu Muwaaddinku xor u yahay aragtidiisa Shaqsiga ah sida Sharciga dalku dhigayo.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dalabka Odayaasha ku gacan-saydhay sida ay Aftahannews u sheegeen qaar ka tirsan Odayaashaasi, isla markaana si cad u diiday innuu aqbalo Ergadda ay Odayaashu ugu tegeen.

Waxay Xubnaha Saxaafadda xogta warkan siiyey intaas ku dareen in Wasiir Xaashi ku dooday in Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr uu denbi ka galay isaga, isla markaana uu ku xidhiidhiyay Qoraallo taxane ah oo uu ka qoray dhawaan Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa iyo nidaamkiisa Maamul, kuwaasoo daaha ka rogay Musuqmaasuq iyo Qabyaalad baahsan oo uu qoraalladiisa ku sheegay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews