berberatoday.com
“25-Sanadood Waxaan Dhegeysanaynay Somaliland Siday Wax U Raamsanayso..Ictiraaf Imaan Maayo Intaa Xuquuqdayadu Maqan Tahay”Baaq Kasoo Baxay Beelaha Gabooye
August 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madax-dhaqameedka Beelaha Gabooye oo iskaga kala yimi Lixda Gobol ee dal ayaa soo saaray Baaq culus oo ku wajahan Madaxweyne Siilaanyo, kasoo ah sidii uu ugu dhiiran laha qorshaha Saami qaybsi ee horyala inuu ka siiyo Kuraas Kooto ah. Waxanay xasuusiyeen inuu ku dhiiraado oo kaga dhabeeyo balaanqaadkii uu hore Madaxweynuhuu ugu sameeyey Beelaha La hayb-sooco inuu ka siin doono Kooto Baarlamaanka ah.

Kulankaa Waxgaraadku iskugu yimaadeen oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka u dooda Xuquuqda Beelaha la haybsooco ee Vosomwo ayaa waxay waxgaraadku Cod dheer ku sheegeen inuu Baaqoodani yahay kii ugu danbeeyey ee ay Madaxweyne Siilaanyo u diraan, waxanay soo jeediyeen in gobol kastaa laga siiyo laba Xildhibaan, sidoo kalena Caasimadda laga siiyo Saddex Xildhibaan.

Sidoo kale, waxay waxgaraadkani soo jeediyeen in la furo Dastuurka dalka, isla markaana lagu sameeyo waxka bedel iyo kaabis, laguna daro Kootada Xildhibaanada Gabooye, waxa kaloo ay Waxgaraadkaasi dalbadeen in doorashada soo socota ee golaha deegaanka gobol kasta iyo degmo kasto laga siiyo Xildhibaano Kooto ah. Eng. Xuseen Ibraahin Xasan oo halkaa ka akhriyey warmurtiyeed kooban oo Beeshu ka soo saartay wada-tashi xasaasi ah oo muddo u socday kaddib ayaa lagu yidhi sidan.

1: Waxaanu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ka Codsanaynaa in Dastuurka la furo

2: in lixda gobo lee Somaliland oo ay Beelaha Gabooye degen yihiin laga siiyo min laba Xildhibaan, Caasimadda Somaliland ee Hargeysana laga Siiyo saddex Xildhibaan.

3: in Doorashada soo socota ee golaha deegaanka laga siiyo Xildhibaano kooto ah.

4: in doorashadda Guurtida marka la gaadho xilligeeda iyana saami laga siiyo Beelahan

Geesta kale, qaar kamid ah Madax-dhaqameedka ayaa ka hadlay kulankooda iyo nuxurka uu daaran yahay, ugu horayn Boqor Ugaas Axmed Iimaan ayaa sheegay inuu Maanta markii ugu danbeysay Madaxweyne siilaanyo la hadlaayo, isla markaana waxa uu xasuusiyey in ay Beelo badan yihiin, kuwaasoo wax la leh Ummadda Somaliland.

“Somaliland maanta gobol walbaa xaquuq ayaa ka maqan, aniguna maanta anagoo lixdii gobol-ba ah oo halkan ay fadhiyaan Madax-dhaqameedkii beelaha ee gobolada Togdheer, Sool, Sanaag, Saaxil iyo Awdal, beelaahan oo kala ah, Muuse dheriyo, Madhibaan, Hawle, Annaas, Tumaal iyo War-dheer ayaan ku dhan halkan, waxanay iskugu yimaadeen inay aayahooda ka tashadaan, anigoo u mahad naqaya Ururka Vosomwo oo sahashay inuu kulankani dhaco oo bixisay kharashka ay gobolada kaga yimaadeen Cuqaashan iyo salaadiintaasi…Mudane Madaxweyne anagoo dhan waxgaraadkayagii Beelaha Gabooye, waxanu ku leenahay 25-sanadood oo Somaliland jirtay golayaasha waanu ka maqnayn. Mudane Madaxweyne waxa baaqayagii ku salaysan yahay in arrintaa ku hortaala ee aayo ka talinta Saami qaybsiga Umadda Somaliland aanu ka mid nahay oo aan anigu ka madhanahay oo aanu idin daawanaynay iidina waad garan waydeen wax siiya Umaddan walaalihiinee idin daawanysaa. Hore waanu u qaylinay imikana waa kii ugu danbeeyey dab danbe iidin daawan mayno, adiga wasiirada iyo Xisbiyada waxanu idiin leenahay dad wadaanka Iidinla leh sidaad wax u qaybsanaysaan wax anagana noo siiya”.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay qaar kamid ah Madax-dhaqameedka ka kala yimi gobolada dalka waxanay yidhahdeen. “Somaliland calankeeda waxa ku xardhan tawxiidka in laga Been sheegana maha, 25-sanadood waxaan dhegeysanaynay Somaliland siday wax u raamsanayso iyo siday wax u qaysanayso, maanta waan soo taaganahay labada Can ee aad waxku cunaysaan ku wada cuni maysaan mid keliyaa ayaad wax ku cunaysaan, Canka kale anaga ayaa leh hadaan Beelaha Gabooye nahay”.

“Baaqan Maanta waa go’aankii u danbeeyey ee aanigu soo dirno, waxanu xuquuq leenahay waa inaanu helnaa, waa hadii dalka la wada leeyahay, waxana halkan fadhiyaa 21 suldaan 14 Caaqil iyo qaybihii Bulshada oo ka kala yimi Gobolada dalka oo dhan”. Waxa kaloo iyana halkaa kasii hadlay qaar kale oo kamid ahaa sallaadiintii gobolada. “Madaxweyne in badan ayaa xuquuqda gabooye ka hadashay Maanta tii ayaa lagaga fadhiyaa inaad fuliso, dadkan aanu kasoo jeedno way ku qatan yihiin reer Somaliland, Ictiraaf Imaan maayo intaa Xuquuqdayadu maqan tahay”.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews