berberatoday.com
Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Cadeeyey Inuu Iska Casiley Xubinimadii Koox Faneedka Xidigaha Geeska Kana Baxay
August 28, 2016 - Written by Berbera Today

Ankara(Berberatoday.com)-Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo hadda sugan magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga, ayaa waxa ahaa Aasaasihii iyo Maskaxdii ka danbaysay dhisitaanka Kooxda Xiddigaha geeska, isla markaanna waxa uu ahaa qofkii iska lahaa ee bixiyay magaca caan-baxay ee Xiddigaha geeska, waxaannu sheegay in tacab fara-badani uu kaga jiro Koox Fanneedka Xiddigaha geeska oo si wayn looga dhagaysto gayiga ay Soomaalidu degto oo dhan.

labsalax

Halabuur Xasan Dhuxul waxa uu siddaa ku sheegay Qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga, isagoo Abwaanku caddeeyay inaanu go’aankan u qaadan sababo la xidhiidha Xumaan iyo nacayb, hase-yeeshee uu si shaqsiyanna u go’aansadday inuu Kooxdaas Xiddigaha geeska uu dibadda uga baxo, taasoo uu sheegay inaan  loo turjuman karrin in xidhiidhkayagii Walaalnimo uu halkaas ku dhammaaday.

Qoraalka Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax waxa uu u dhignaa sidan “Xidigaha Geeska Ma jecli inay Dib u dhacaan, inay Horumaraan Moooyee, waayo Ninkii Magaca Wayn Ee Xidigaha bixiyayba waa Aniga, Haddana, markaan eeggay arrimo badan darteed waxaan go’aansadday inaanan ka Sii Mid ahaan Kooxda Xiddigaha geeska.

Haddaan Xiddigaha ka Baxayna Macnaheedu maaha inaan Fankii ka baxay, Markasta waa saaxiibaday Markastana waa walaaladay, Kuwaan Magaca ku dhex-yeeshayna waa iyaga, haddana waxaan isku Qanciyay inaan noqdo Saaxiibkood oo Dibada ka jooga Xumaan Li,I” Ayuu yidhi Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax

Si kastaba ahaatee go’aanka uu Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax kaga baxay Kooxda Fanaaniinta Xiddigaha geeska ee uu mudada dheer soo hogaaminnaayay, waxa uu saamayn taban ku yeelan doonnaa hour-socodkii Fanneed ee Kooxda Xiddigaha geesku mudada dheer soo waday, kaasoo xawaaraha uu ku socday uu ahaa mid sida qoraxda u muuqda oo aan ciddina kala masuugayn kaalintii iyo korintii Fanneed ee uu Abwaan Xasan Dhuxul laabsaalax ku lahaa Kooxda Fanaaniinta Xiddigaha geeska oo Xasuusta shacabka soomaaliyeed dib ugu celiyay Berrisamaadkii Kooxihii Fanka  Soomaaliyeed shamaca ku shidday ee  aan ilaa maanta laga xiiso goyn dhagaysigoodda.

 

 

 

Xigasho Baligubadlemadia

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews