Daawo Muuqalka”Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Oo Cadeeyay In Aanu Jirin Urur Ay Saxaafada Somalialand Ku Midaysan Yihiin Kana Digay In Magaca Saxaafada Somaliland SOLJa Ku Shaqaysato, Fariin Culusna Udiray Deeq Bixiyayaasha Iyo Cidkasta Oo Saxaafada S/land Caawisa
August 28, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro) Oo maanta shirjaraa,id ku qabta magaalada Burco ayaa Cadeeyay In Aanu Jirin Urur Ay Saxaafadeed ay suxufiyiinta Somalialand Ku Midaysan Yihiin isagoona sheegay inay jiraan ururo saxaafadeed oo tira badan oo ay ku kala jiraan suxufiyiin ku kala aragti duwan qaabka saxaafada Somaliland ay ula macaamisho Xukumada iyo Haayadaha caalamiga ah ee Deeqaha ku bixiya kobcinta iyo kor uqaadida suxufiyiinta Somaliland iyo xarumaha warbaahineed ee dalka gudihiisa ka jira.
sidoo kale waxa uu Gudoomiye Kuxigdeenka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA ka Digay In Magaca Saxaafada Somaliland aanay ururka SOLJa Ku Shaqaysato sidoo kalena aanay Matalin.