Dawlada Somaliland Oo Cadeysay Mawqifka Ay Ka Taagantahay Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Ee Burburay
August 28, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland ayaa daaha ka qaaday in xukuummada Somaliya ay ka cago jiidayso wada hadalladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya.
Wasiir ku xigeenka Arrimada Dibada Axmed Kayse oo maanta wareysi khaasa siinayay TVga Star ayaa cadeeyay in aanay dawlada Somaliya doonayn in wada hadaladaasi sii socdaan, balse ay xukuummada Somaliland diyaar u tahay sidii ay uga midho dhalin lahayd wada hadalka ay kula jirto somaliya.
Wasiir Kayse waxaa kale oo uu ka hadlay wefti wasiirka arrimaha dibada Somaliland uu hogaaminayo oo martiqaad ka helay dawlada Masar, wasiirku waxaa uu sheegay in waftigaasi hawlo shaqo u tageen dalka Masar.