berberatoday.com
“Imika Laba Xisbi Xaakim Baa Jira, Aniguun Baa Mucaarid Ah, Markaa Xisbi Xaakimyadda Iyo Mucaaradka Lama Tartansiinyo”Faysal Cali Waraabe
August 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyay madal lagu daah furayay buug la qoray taariikhdii marxuum Maxamed X Ibraahin Cigaal, kaga hadlay arrimo kala duwan oo ka qaybgalayaashii munaasibadaasi ay qosol iyo sacab kaga jawaabayeen.

Faysal Cali Waraabe oo ugu horayn ka hadlaya xisbiyadda siyaasadda wuxuu yidhi; “Anagu horta mucaarad baanu nahayoo, berigii hore waxaanu khaati ka joogi jiray xisbi xaakimka oo lacagta dawladda haysan jiray, oo aanu odhan jiray Aniga iyo Siilaanyo wuxuu isticmaalayaa baabuurtii iyo lacagtii, imika horta laba xisbi xaakim baa jira, Aniga uun baa mucaarid ah, markaa xisbi xaakimyadda iyo mucaaradka lama tartansiinyo. Mucaaradku wuxuu yidhaahdaa haddaa i doorataan waxaan balanqaadayaa in aan waxaa qabto, kana waxa la yidhaahdaa maxaa bixinaysaan. Markaa naftii baa noo timiyoo, meeshii kastaba waxa la odhanayaa maxaa bixiseen axsaabtiiyeey, dee nimankii maqalka haystay….Maalin dhawayd oo aanu tagnay Bali Mataan ayuu Cabdiraxmaan kacayoo yidhi sadex kun baan bixiyay, Inaadeerkii baa ka daba kacayoo Xuseen Sulub, muu odhan anagoo Habar Yoonis ah ee wuxuu yidhi anagoo Waddani ah anna kun baan bixiyay buu yidhi, way igu soo mudhuxsatay ma ogtahay, waxaan idhi anna shan baan bixiyay, hadda waxaanu tagaynaa degmadda Gumburaha, wadnahaa i sii xanuunaya. Waxa lagu odhanayaa  ma soo socotaa, waxaan moodayaa in la i jecel yahaye shaw lacag baa layga doonayaa.”

Faysal Cali Waraabe hadalka uu madashaa ka jeediyay oo ahaa mid sacab badani mar kastaba u dhacayay wuxuu kula kaftamay saxaafadda somaliland, weedhihii uu dhanka saxaafadda ka yidhina waxay u dhacayeen sidan;  “Kaftankii wuu inoo furmaye dee saxaafadda uma haysto Faysal bay wax ka sheegtaa, oo waxa la yidhi nin durbaan qaatay ilaaq dalbay, qolofna waan yeeshoo waxba ima yeesho bahashaasi, laakiin dalkaan u naxaa, dalkaa wax yeeshaan  baa idhaa, markaa saxaafaddeena dhalinta qortaa inta badani maaha xirfadlayaal.Anigu horta bahalaha ma akhriyo, websiteyada somalilandna ma galo, haddii laga tegi waayo waxaan akhriyaa Geeska Afrika. Waxa jirta jariirad la yidhaa Somaliland today, waxay ahayd bahal aad iyo aad dawladu u taageerto, waar bahashu guulwadaysanaa baan odhan jiroo, waxa la odhan jiray Xirsi baa leh, imikana mucaaradkuu u fuulay, mid Foore la yidhaana waxaan idhi waa kacaan kale’e, waxa la odhan jiray Xasan baa leh, Xuuto saaxiibkay bahashiisa Waaheen, waar Waaheen kacaansanaa baan odhan jiray waa dawlada’e, waxa la odhan jiray waxa leh Cabdicasiis, waa markaan soo saaray waar shaw bahaluhu waxay ii caayaan Ciidagaluhu jariiradba ma laha. Markaa anigu saxaafadda ma diiddani, waanu jecelahay in la caawiyo, haddii aan anigu soo baxana wixii aan ahayn xirfadle waanu ka joojinaynaa oo waa ka qaadaynaa shatiga. Hadaba Aniga Habaryartayna ma joogto, Abtigayna wuu qaatay, konton baan aniguna qaatay, laakiin saxaafadda siin maayee agoontaan u gaynayaa.”

Faysal Cali Waraabe kaftankaa kadib wuxuu ka sheekeeyay taariikhdii marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal, isla markaana wuxuu sheegay inuu ahaa nin ilaahay hibo u siiyay siyaasadda. “Maxamed X Ibraahim Cigaal haddaanuu Isaaq ka dhalan nin wayn buu ahaan lahaa, laakiin Isaaq buu ka dhashay”ayuu yidhi. Gudoomiye Faysal wuxuu xusay in Marxuum Cigaal ahaa ninka sameeyay haykalka dawladnimo, isla markaana ilaa waqtigan aan la dhaafin intii uu dhigay. Wuxuu ka sheekeeyay colaadii sokeeye ee la kowsatay dhismihii dawladiisii u horaysay, qaabkii nabadda lagu soo dabaalay iyo arrimo badan oo la xidhiidha dhacdooyinkii dhismaha dawladnimo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews