Jabhada Fallaagadda FARC Ee Dalka Colombia Ayaa Sheegtay In Ay Diyaar U Tahay Shaacinta Xabbad-Joojin Kama Dambeys Ah
August 28, 2016 - Written by Berbera Today
Colombia(Berberatoday.com)-Fallaagadda FARC ee dalka Colombia ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay shaacinta xabbad-joojin kama dambeys ah.
Tallaabadan ayaa bilow u ah hannaan lagu soo afjarayo dagaalka muddada 50-ka sano ah ka socda dalkaasi, isla maraakana ay fallaagadaasi ku noqoneyso dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo sharci ah.
