berberatoday.com
Musharrax Jamaal Cali Xuseen Oo Saaka ku Kalahay Maxkamada Gobolka Hargeysa oo lagu Waday in la Horkeeno Qoraa Siciid Maxamud Gahayr Iyo Xilliga Loo Muddeeyey
August 28, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa Saaka tagay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, halkaasoo lagu waday in la horkeeno Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo muddo sagaal cisho ah u xidhnaa Fikirkiisa oo uu qoraal ahaan ugu baahiyey boggiisa Facebook. Qoraaladaas oo Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo maamulka Madaarka Hargeysi dhibsadeen, isla markaana Xabsiga loogu taxaabay todobaadyadii lasoo dhaafay.
Musharrax jamaal ayaa ku lug go”ay Maxkamada waxanay qaar kamid ah shaqsiyaadka xog ogaal u ah xadhiga Siciid Maxamed Gahayr u sheegeen in Maalinta Salaasada la keeni doono todobaadkan, isla markaana hore loo horkeenay Maxkamada waqti hore.
Musharrax Jamaal Cali Xuseen ayaa markii uu ogaaday xili uu ku mudaysan yahay Abwaan Siciid Gahayr waxa uu kasoo laabtay xarunta Maxkamada gobolka Maroodi-jeex, halkaasoo ay ku sugnaayeen Garsoorayaal aad ugu jajabnaa u shaqeynta bulshada, isla markaana shacabku cadaaladdooda ka mana sheeganaayeen. Siciid Maxamuud Gahayr waa qoraa intaa badan la fallooda arrimaha kolbaa taahan, waana shaqsi Ilahay Hibo u siiyey mihnado badan oo kala ah Abwaanimo, Qoraanimo iyo Suxufinimo. Mana cadda eedda lagu haysto, balse waxa intaa la ogyahay uu u xidhan yahay masuuliyiinta wasaaradda duulista iyo hawada iyo weliba maamulka madaarka Hargeysaa, kuwasoo dhibsaday maqaalo uu ku daabacay barraha bulshada, arrintaa oo ka hor imanaysaa dastuurka qaranka, isla markaana docwareenku ah rayi dhiibashada iyo xoriyatul qawlka madaxbanaanidiisa.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews