Somaliland Oo Fariin Hanjabaada Udirtay Masuuliyiinta Ka Socda Maamulka Puntland Ee Ku Sugan Magaalada Buuhoodle
August 28, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa fariin digniin ah u dirtay cidkasta oo isku dayda inay waxyeelayso diwaangalinta codbixiyayaasha Somaliland ee ka socota Gobolka Sool.
Wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye waxaa uu sheegay inay uga digayaan dhamaan shacabka Somaliland iyo masuuliyiinta Maamulka Puntland inay faro galiyaan diwaangalinta Codbixiyaha.
“ Arrimaha diwaangalintu waxaa arrin qaran oo laga gaban maayo, cidkasta oo isku dayda inay faro galiso talaabo aanay fileyn ayaa laga qaadayaa, horena waanu uga qaadnay kuwii faro galiyay oo waanu xidhxidhnay”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.