“Ujeedada Sool La Ii Geeyay Waa In Aan Fuliyo Siyaasadda Dawladda, Awdalna Waxa Walaaqaya Siyaasiyiin”Gudoomiye Ramaax Cali Hayste
August 28, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Badhasaabkii hore ee gobolka awdal ahna badhasaabka cusub ee laascaanood Maxamed Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka awdal oo jooga Hargeysa ay waddaan olole ay ku baayactaan. Islamarkaanna wuxuu sheegay in magacaabida gobolka Sool tahay in aan fuliyo siyaasadda xukuumadda.
Ramaax wuxuu sidaa ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay magaaladda Hargeysa, waxaanu ugu horayn uga mahadceliyay Madaxweynaha magacaabidda uu ugu bedelay gobolka Sool“Marka horre waxaan hambalyaynayaa Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland ee xilkan cusub iigmadday in aan taggo gobolka Laascaannood, aad iyo aad baan u soo dhawaynayaa.”Ayuu yidhi Ramaax